Sabti, August 13, 2016 (HOL) — Isbahaysiga Xisbiyada Siyaasadda Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda doorashada Somalia ee sanadkan 2016-ka, waxayna sidoo kale walaac ka muujieen qaar ka mid ah go'aannadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran ee Dhawaan Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.