4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
Wasiirka Gaashaandhiga oo Tababar u soo Xiray Ciidan uu Tababar u Socday Bilooyin SAWIRRO)


Sabti, August 13, 2016 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Maanta Tababbar ugu soo xiray Xerada Jazeera Ciidammo isugu jiray Saraakiil, Saraakiil xigeen, booliis, Dableyda iyo Injineerro, kuwaasoo Tababarkani u socday Shan bilood ah, Waxaana bixinayay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub.

Tababarkaan ayay Ciidamadu waxay ku baranayeen; Sidii ay u Dhawri lahaayeen Shacabka, marka ay taageen deegaannada laga saaro Al-shabaab, looguna dul-qaato shacabka.

Jen. Diini ayaa kula dardaarmay ciidamadii Tababbarka loo soo xiray inay isku diyaariyaan difaaca sharafta iyo Madaxbannaanida Dalka, Taasoo uu sheegay inay tahay sababta koowaad ee tababarkan loo siiyay.

Ugu dambeyntii, Xafladda Xiritaanka Tababarka - ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Taliyaha Hoggaanka Tababarrada Ciidamada Xoogga Soomaaliya, Jen. C/llaahi Cali Caanood, Taliye ku xigeenka Ciidanka AMISOM iyo Saraakiisha Midowga Yurub ee tababara ciidamada millateriga Somalia.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya