4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
SAWIRRO: Hay'ada SYPD deeq raashin ah ka Qaybisay Deegaanno ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Sabti, August 13, 2016 (HOL) — Hay'adda Maxalliga ee SYPD oo kaashanaysa ka helaysa Diakonie Katastrophenhilfe (DKH), ayaa soo Gaba-gabeysay Qaybinta Deeq Raashin ah oo la gaarsiiyay dad ay dhibaato kasoo gaartay fatahaadii labo bilood ka hor ee Sannadkan ku dhufatay Degmada Beledweyne iyo deegaanno hoos-yimaada.

Qaybinta deeqdan oo socotay laga bilaabo 7-dii bishan August 2016-ka ayaa manta lasoo gabagabeeyay waxaana ka faaideestay qoysas gaaraya 1,220 qooys oo ku nool Kow iyo Toban Tuulo oo hoostaga degmada B/weyne sida Deefoow, Doonkudle, Xas-kulle, Qoydo, Kabxanley, Bacaad, Dhariyow, Helo-kaliya, Lafoole, Leebow iyo Hoodleey. Qooys waliba waxaa la guddoonsiiyay 25 kiilo Bariis ah, 25 Kiilo Bur ah, 12-kg iyo bar sokor ah, 2-kg & bar Caano-boora ah iyo 6 liitar oo Saliid ah.

Deeqdan raashiin ayaa wax badan ka tari doonta sidii dadka dhibban ee ku waxyeeloobay fataahada ay ku heli lahaayeen cunno ku filan inta ay ka soo kabanayaan saameeynta fatahaada.

Ugu danbeyn, Deeqdaan Waxaa maal-geliyay Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Dalka Jarmalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya