4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2016
Dowladda Somalia oo lagu Ammaanay kaalinta Haweenka ee Doorashooyinka sanadkan

/images/2016/Aug/
Sabti, August 13, 2016 (HOL) —Wasiirka haweenka iyo Xuquuqul-Insaanka Somaliya Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa soo dhaweysay kaalinta haweenka Soomaaliyeed laga siiyay arimaha siyaasadda dalka ,waxaana lagu wadaa in doorashada sanadkan la qabanayo ay ka helaan saami dhan 30%.

Shir-weynihii Qaran ee looga hadlayay doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu saxiixay in qoondada haweenka ay ahaan doonto lama taab-taan ,isla markaana ay xubno muhiim ah ka heli doonaan dowladda iyo aqallada kale ee sharci dajinta.

Wasiirrad-da ayaa ku tilmaamtay arintan horumar weyn oo ku soo kordhay siyaasadda Somalia ,waxaana hadalkan ay ka sheegtay shir-weynaha haweenka oo shalay oo Jimco ahayd lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya

“Shirkii heer qaran ayaa go’aamiyay in haweenku ay ka heli doonaan  kuraas dhan 30% labada aqal ee dowladda “ ayey tiri Sahro oo tilmaamtay in haweenka ay kaalin weyn ku leeyihiin dib u dhiska dalka oo ka soo kabanaya colaado sokeeye.

Ku xigeenka Ergayga Midowga Afrika ee Somaliya Lydia Wanyato ayaa ugu baaqday dumarka in ay ka faa’idaystaan fursaddan ,isla markaana ay balaariyaan kaalinta ay ku  leeyihiin isbadallada siyaasadda ee Soomaailya.

“Waxaa la joogaa waqti aysan dumarka Soomaali seegi karin ,saacaddu waa ay socotaa ,waa in ay istaagaan” ayey tiri Wanyato oo sheegtay in Midowga Afrika uu dowladda Somalia ugu mahad-celiyo kaalinta haweenka laga siiyay siyaasadda.

Ugu danbayn , Somalia ayaa yeelan doonta barlamaan cusub inta u dhaxeysa  24-ta bisha sagaalaad ilaa iyo bisha tobonaad tobankeeda halka sidoo kale loo codayn doono madaxweyne cusub bisha tobonaaad ,waxaana jadwalkan lagu saxiisay shirkii heer qaran ee Muqdisho.

Faysal M.Hassan
[email protected]