4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
SAWIRO: Heshiis Minneapolis iyo Boosaaso lagu Mantaaneeyay oo la kala Saxiixday (DAAWO)

Sabti, August 13, 2016 (HOL) — Waxaa shalay lagu saxiixay magaaladda Minneapolis Xarunta looga Taliyo ee City Hall - Heshiis lagu Mataaneynayo Magaalooyinka Minneapolis iyo Boosaaso, Waxaana saxiixay labada Duq Magaalo, Betsy Hodges iyo Inj. Yaasiin Mire Maxamuud.

Magaalooyinkan ayaa waxaa la mataaneeyay bishii Oktoobar ee Sannadkii 2014-kii, intaas wixii ka dambeeyay waa markii ugu horreysay oo ay labada duq magaalo kulmaan.

Kulankii shalay oo ay kasoo qayb-galeen Dadwayne fara badan, ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda labada magaalo, waxaana ugu horeyn hadlay Cabdi Warsame oo ah masuulka Hawshan kasoo shaqeeyay, isagoo sheegay in Sannadka dhalan doona uu Soomaaliya 30 sano dibadda uga maqan yahay waliigsna uu ka fakiri jiray sidii uu wax ugu qaban lahaa, Tanna waxay ka mid tahay buu yiri guulahii aan dooni jiray. Wuxuuna intaas ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay guusha ay keentay Doorashadiisii.Sidoo kale, Duqa Minneapolis, Betsy Hodges ayaa iyaduna ka hadashay dareenkeeda, Waxayna sheegtay inuu nasiibku siiyay intii ay ku sugnayd xafiiska mataaneynta labadaan magaalo, waxayna xustay inay aad ugu faraxsan tahay inay hoy u tahay MPLS kumannaan Soomaali ah.

"Waxaa sharaf weyn noo ah noo ah Joogitaanka aad joogtaan goobtaan... Waxaaan kaloo ogahay inay jiraan hadalo halis ku ah Soomaalida Dalkan Mareykanka ku nool," ayay tiri Hodges, oo intaas ku dartay hadal si aad ah loogu sacab-tumay oo ahaa; Cid walba oo Halis ama Su'aal gelisa Qiimaha Soomaalida Minnesota hanoo yimadaan, anagaa saxayna.

Intaas kaddib waxaa isaguna goobta ka hadlay maayarka Boosaaso, Yaasiin Mire Maxamuud oo u mahad-celiyay Dhammaan Xubnihii kasoo shaqeeyay hawshan, isagoo ku daray intaas inay farxad u tahay guusha Boosaaso ay ku tallaabsatay.

Ugu dambeyn, Waxaa goobta lagu kala saxiixday waraaqihii heshiiska, iyadoo Dadwaynahii Soomaaliyeed ee kasoo Qayb-galay kulanka ay u riyaaqeen sida uu heshiisku u dhacay.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Minneapolis, Minnesota