4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
Xukuumada Soomaliya oo ka hadashay shirka IGAD ee ka dhici doona Muqdisho

Sabti, Agoosto 13, 2016 (HOL)-Xukuumada Soomaaliya ayaa waxay faahfaahin ka bixisay shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ee bisha soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ee dowladda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo la hadlay warbaainta ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay xilligan diyaar u tahay martigelinta shir madaxeedka IGAD oo la filayo in bisha soo socota Muqdisho uu ka furmo.

Wasiirka ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta madaxda urur goboleedka IGAD oo la filayo magaaalada Muqdisho in ay soo gaaraan 5ta bisha  9aad.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]