4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
Xoogag ka tirsan Shabaab oo lagu dilay dulleedka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan


Sabti, August 13, 2016 (HOL) — Maleeshiyaad taabacsan dowladda Soomaaliya, ayaa xalay toogasho ku dilay labo sarkaal oo sidda la sheegay ka tirsan xoogagga Al-shabaab ee ka Dagaallamaya Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Ammaanka ee Gobolka Hiiraan, Maxamed Ibraahim C/llaahi ayaa warbaahinta u sheegay in labada nin ee la dilay mid ka mid ah lagu magacaabi jiray Cabdi Aadan kaddib markii maleeshiyaadka ay weerareen fariisin ay ku sugnaayeen ee agagaarka deegaanka Luuq - Jeeloow ee dulleedka galbeed magaalada Beledweyne

Shaqsigan magaciisa la sheegay ee Toogashada lagu dillay ayaa waxaa lagu eedeynayaa in uu ka mid ahaa xoogag ka tirsan Al-shabaab oo nabadoon ku gowracay dulleedka Beledweyne .

Ugu dambeyntii, ma jirto jirto Wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku Aaddan Sarkaalka la sheegay in looga dilay Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya