4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
Waqooyi-bari Kenya: Shacabka degmada Mandheera oo baaq loo diray

Gobernatooraha Mandheera, Cali Roba


Sabti, Agoosto 13, 2016 (HOL)-Shacabka ku dhaqan degmada Mandheera ayaa waxaa loo diray baaq ku aaddan sidii ay xilalka kala duwan ugu soo dooran lahaayen musharaxiinta ay doonayaan marka lagaaro sanadka soo socda ee 2017-ka.

Mid kamid ah waxgaradka degmadaa ayaa ugu baaqay dadweynaha inuu iskaashado si ay suura gal unoqoto in masu'uuliyiin isku dhafan oo kasoo kala jeeda dhammaan beelaha degmada lasoo doorto marka lagaaro doorashada sanadka soo socda ee 2017.

Baaqaan ayaa yimid ayadoo odayaasha beel ka mid ah beelaha degmada Mandheera oo kuraas badan ka heshay doorashadii lasoo dhaafay ay doonayaan inay saamayn ku yeeshaan dib u soo doorashada qaar ka tirsan masuuliyiinta degmadaa.

Odayaasha ayaa damacsan sida hadalka loo dhigay inay waxoogaa saamayn ku yeeshaan dib u soo doorashada gobernatooraha degmadaa Cali Roba, senatore Bilow Kerow,  xildhibaanada kala ah Maxamed Hukha, Maxamed Cabdi Xaaji, Maxamuud Maxamed, iyo Aadan Maxamed Nuur iyo weliba gabadha matasha dumarka ee lagu magacaabo Fatxiya Maxbuub.

Waxaa sidoo kale saameyntu saameyneysaa 18 mas'uul oo kale oo ka tirsan ismaamulka dawlad deegaanka Mandheera. 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]