4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
Xaflad lagu maamuusayay maalinta dhallinyarada oo shalay galab ka dhacday Garissa

Sabti, Agoosto 13, 2016 (HOL)-Waxaa shalay lagu qabtay galab gaabadkii degmada Garissa ee waqooyi-bari Kenya xaflad lagu maamuusayay dhallin yarada degmadaa ayadoo ay ku beegnayd Maalinta Dhallinyarada Caalamka oo shalay loo asteeyay.

Waxaa xafladaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiin badan oo maamulka degmadaa ka tirsan. Waxaa sidoo kale soo camiray dhallinyaro badan.

Xaflada ayaa waxaa soo qabanqaabisay  Faaduma Kinsi Cabaas  oo ah  haweeney u ololeysa xaxuuqda gabdhaha islamarkaana ah haweeney usharaxan kursiga dumarka ee degmada Garissa doorashada 2017.

Dalka Kenya iyo dalalka gobolka oo dhan iyo meelo kale oo badan oo caalamka ah yaa shalay lagu qabtay xaflado ceynkaa ah oo lagu sharfayay dadaalada aan ka go'a lahayn ee dhallinyarada caalamka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya.
[email protected]