4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
Socod nabadeed oo maanta kabilaabmaya Nairobi

Sabti, Agoosto 13, 2016 (HOL)-Socod nabadeed oo ay soo abaabuleen dadka gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa maanta laga bilaabayaa Nairobi.

Socodkaa ayaa lagu tagayaa Mandheera oo kutaal gobolkaasi Waqooyi-bari ee Soomaalidu degto ee dalkaan Kenya kaasoo looga gol leeyahay in lagu dhaliyo baaq nabadeed iyo wacyi nabadeed. Gaar ahaan waqooyi bari iyo guud ahaan Kenya ayaa sanadihii dhowrka ahaa ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay weeraro lagu tilmaamay kuwo argagixiso iyo colaado qabaail.

Haatan oo doorashada guud ee dalkaan la filaayo sanadka soo socda ayaa dadka soo abaabulay socodka waxay kudoonayaan inay wacyi nabadeed beelaha dalka dhex dhigaan maadaama doorashooyinka qaar ay rabshado keeni karaan.

Khubaro ayaa meelaha qaar dalka Kenya ku tilmaama kuwo ay rabshado ka dhalan karaan [hot spots] waxaana meelahaa kujira meelo ka tirsan waqooyi bari Kenya.

Waxaa socodka maanta lagu wadaa inuu ka bilowda beerta xorriyada ama Uhuru Park ee bartamaha caasimada Nairobi gaar ahaan saacadaha fooda nagu soo haya.

Waxaa socodkaan barataaraya Guddiga Midnimada iyo Wadajirka ee Kenya ee marka magaciisa lasoo gaabsho loo yaqaano NCIC.

Socodkaan ayaa ah in ku dhow  1000km  waxaana lagu magacaabaa Socodka Rajada ama Walk of Hope sanadkii lasoo dhaafayna waxaa uu ahaa inta u dhexeysa magaalooyinka Garissa iyo Mandheera.

Mid ka mid ah abaabuleyaasha socodka ayaa warbaahinta u sheegay in waliba sanadka soo socda ay damacsan yihiin inay qaarada meelo kale oo ka tirsan socodka ku kala bixiyaan gaar ahaan min Monrovia oo kutaala Liberia ilaa Muqdisho Soomaaliya!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya.
[email protected]