4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
Kenya: Kulan looga hadlayay dib u celinta Qoxootiga oo baaq laga soo saaray

Sabti, Agoosto 13, 2016 (HOL)-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay kasocday xeryaha qaxootiga ee Dahdhaab kulan ay lahayeen hoggaamiyeyaasha xeryaha Dhadhaab.

Waxaa hoggaamiyeyaashaasi la lahaayeen kulanka masuuliyiinta xafiisyada kala duwan ee dowlada KENYA. Shirkaas ayaa mar kale laga soo saaray baaq ku saabsan inaan qaxootiga dib Soomaaliya loogu celin si qasab ah.

Waxay ku celceliyeen hoggaamiyeyaashaasi in aysan jiri doonin dib u celin qabsan ah islamarkaana dadka qaxootiga ah ay isdajiyaan.

Warkaan ayaa imaanaya ayadoo ay soo shaac baxayaan warar sheegaya in arday badan oo xeryahaa kunool ay ka niyad jabeen waxbarashadii xeryahaa ay ka dhigan jireen iskoolada maadaama dawlada Kenya ay dhawaan sheegtay inay xireyso xeryahaa sidaana ay waxbarashada u joojiyeen.

Dhanka kale waxaa baaq loo diray dad la sheegay inay hadalo been abuur ah ka dhex wadaan xeryahaa wararkaa kutiri kuteenta ah oo sheegaya in si qasab ah ama qoor qabad ah lagu celin doono qaxootiga isla markaana celinta qaxootigaa lagu jujuubi doono!

Sanadkii 2013 ayaa dawladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hayada qaxootiga ee UNHCR ay wada saxiixeen heshiis dhigaya in qaxootiga iskood ay u laabtaan ee aan qasab Soomaaliya lagu geyn.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya.
[email protected]