4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2016
SAWIRO: Ururka Dhalinyarada Hiiraan oo Maanta u dabaal-dagay Maalinta dhalinyarada Dunida


Jimco, August 12, 2016 (HOL) — Kulan lagu soo bandhigay Hormarka Ururka Dhalinyarada gobolka Hiiraan, Dhinaca kalana loogu Dabaal-dagayay xuska maalinta Dhalinyarada Adduunka, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Kulanka oo ahaa mid si qurux badan loo soo agaasimay, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay boqolaal dhallinyaro ah, kuwaasoo intooda badan halkaas isku weydaarsaday aragti iyo fikirado la xiriira doorka dhalinyarrada gobolka Hiiraan iyo siddii loo xoojin lahaa ka qeyb-qaadashada howlaha danta guud.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarrada Max'ed C/llaahi Buuraale [Raaxeeye] oo hadal ka jeediyay kulanka, ayaa uga mahad celiyay dhalinyarrada gobolka Hiiraan midnimada ay muujiyeen iyo kaalintii mugga laheyd oo ay ku lahaayeen wax ka qabashada daruufihii kala duwanaa ee gobolka soo maray, gaar ahaan fatahaadii labo bilood ka hor ku dhuftay magaalada Beledweyne oo ay ku barakaceen kumannaan qoysas ah.

Dhalinyarradii hadashay dhamaantood waxay ayaa isku raacay muhiiimada dhalinyaradu u leeyihiin hormarka uu waddanku ku Tallabsado, iyagoo isku guubaabiyay in ay gacan ka geystaan dib-u-dhiska dalkooda oo u baahan dhalinyarro aqoon leh wax ku kordhin karta dadaallada kala duwan ee la waddo si Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagto.

Ugu danbeyntii, kulankii maanta ayaa noqonaya mid ka mid ah kulamadii ugu balaarnaa ee xiliyadii u dambeeyay dhaxmara dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya