4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2016
BALADWEYNE: Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahanno Aragti ka Dhiibanaya Siyaasada Somalia [DAAWO]
Jimco, August 12, 2016 (HOL) — Bilihii ugu danbeeyayba dalka Soomaaliya hadal heynta ugu badan ayaa aheyd xiliga kala guurka iyo dowladda waqtigeeda sii dhamaanayo, arinta madasha-wadda-tashiga iyo siyaasada dowladda ee dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

Hadaba, Siyaasiyiin iyo Aqoon-yahan ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa uga waramay HOL Aragtidooda ku aaddan siyaasada Somalia, arimaha dastuurka, Madasha-wada-tashiga, Muddo kordhinta Dowladda hadda jirta iyo Khilaafka ka taagan dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya