4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2016
SAWIRO: Dallada SOYDEN oo Qabatay Dood ku aaddan Xuska Maalinta Dhalinyrada Adduunka

Jimco, August 12, 2016 (HOL) — Munaasabad isku jirtay dood-cilimiyeed iyo Maalinta dhalinyarada Adduunka ee 12-ka August oo socotay laba casho, ayana soo qaban-qaabisay Daladda Somali Youth Developments Network SOYDEN ayaa lagu qabtay Muqdisho, Waxaana Goob-joog ka ahaa RW ku xigeenka Somalia, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, kuwa maamul-goboleedyada Somalia ka jira, dhallinyaro ka socotay Maamul-Goboleedyada, Ururrada Dhalliyarada iyo marti-sharaf kale.

Xuskan ayaa labadii Maalmood ee socotey waxay dhallinyarada ka qayb-gashey ay is-weydaarsadeen doodo la xiriira sida dhalinyarada loo hormarin karo iyo sida shaqooyin loogu abuuri karo, maadaaama dhalinyarada ay ka yihiin bulshada 70%.

Hal-ku-dhigga Sannadkan 2016 ee ay qaateen dhallinyaradu qaateen, ayaa ahaa in la Cirib-tiro faqriga, kaasoo ay sheegeen inuu sabab yahay Dagaallada ka socda dalka, tahriibka iyo burcad-badeednimada. Waxaana intii ay socotay Xafladdan ku aadanayd Maalinta dhalinyarada adduunka ayay dhallinyaradu kusoo bandhigeen suugaan ku saabsan doorka dhallinyarada ay ku leeyihiin Horumarinta dalka.

Wasiirka Dhallinyrada iyo Cayaaraha Somalia, Maxamed C/llaahi Nuux oo ka hadlay goobta ayaa u mahad-celiyey Dalladda SOYDEN oo uu sheegey inay tiir dhexaad u tahay horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed, Sidoo kalena Wuxuu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Gacan ka geysan doonto yareynta faqriga, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in faqriga uu qayb ka yahay shaqo la’aanta ka jira Soomaaliya.

Danka kale, Xubnhii Kulankaas ka hadlay, Waxaa ka mid ahaa; Guddoomiyaha Dalladda SOYDEN, Cismaan Tahliil Shaatax oo sheegey in sababta kulankaan ay u qabteen ay tahay in ay is-dhex-galaan dhallinyrada ka timid maamullada ka jira dalka si ay u helaan fikrado ay ku abuuri karaan sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana ay u heli lahaayeen fursado shaqo.

Ugu dambeyn, Waxaa xafladda soo gunaanaday RW ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo sheegey in dowladda Federaalka Somalia, ay soo dhaweyneyso socdaalka nabadda ee dhallinyardu ay sameynayaan.

"Socdaalkan shalay ma aydan sameyn karin; Waayo waddanka waxaa ka jiray dagaallo. Balse Maanta dalka waa nabad marka waa inaad socdaalka ka mira dhalisaan," ayuu yiri RW ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya