4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2016
RW Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay wafdi ka Socday Xukuumadda Suudaan (SAWIRRO)


Jimco, August 12, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Cumar C/rashid Cali Sharmaarke, ayaa kulan la Qaatay Muqdisho Wafdi ka socda Dowladda Sudan oo Hoggaaminayay Wasiirka Caafimaadka Sudan Bahar Idris Abu-Garda, Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan Kamal Ismail iyo Mas'uuliyiin kale.

Mas'uuliyiinta Xukuumadda Federaalka iyo Wafdigaan, ayaa ka Wada-hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Waddan, isagoo soo gaarsiiyey Ra’iisul Wasaaraha Dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in manta ay noogu yimaadeen Muqdisho wafdi ka socda Dalka Suudaan kuwaasoo noo haya niyad-wanaag, iyagoona shacabka Soomaaliyeed marxalad kasta oo soo martay 25 sano ee soo dhaafay ay la qaybsanayeen oo ay garab istaagnayeen, waxaana naga dhaxeya walaatinmo iyo islaantinimo, waxay u yimaadeen Soomaaliya inay idhahooda ku arkaan horumarka ka jira dalka, waana idinku soo dhaweynaynaa Somalia," ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Sidoo kale, RW Somalia, ayaa ka codsaday in uu salaan iyo Mahad-naq ka gaarsiiyo Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir iyo shacabka Sudan sida ay mar walba u garab taagan yihiin Soomaaliya. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay Arrimaha Iskaashiga Caafimaadka labada dal.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Sudane Sayid Bahar Idiris ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta loogu sameeyey Soomaaliya, wuxuna tilmaamay in dalkiisu sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibadda.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya