4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2016
Diyaaradda Air Djibouti oo dib u Billowday Duullaamiyadeedii Rakaabka Muddo 14-sano ah kaddib


Jimco, August 12, 2016 (HOL) — Shirkadda Diyaaradaha Air Djibouti ee dalka Jabuuti ayaa dib u billowday duulimaadyadii rakaabka ahaa kaddib 14-sano oo aysan shaqeyn diyaaraddan, kaddib markii ay kacday shirkaddii diyaaradaha Jabuuti 2002-dii.

Diyaaradda Air Djibouti oo loo yaqaan Diyaaradda Badda Cas ayaa Sannadkii 1963-kii oo dalkaas uu gumeysi ku jiray la aasaasay, waxayna ka mid aheyd Shirkadaha diyaaradaha ee ugu weyn Qaaradda Afrika.

Tallaabadan ayaa imaanaysa, kaddib markii sannadkii 2015-kii ay diyaaradu dib u billowday duullimaadyadii xamuulka ahaa, iyadooo timid Muqdisho kana qaaday xamuul u badan khudaar.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xarigga furay Shirkadda Air Djibouti oo dib u billowday hawsheeda, waxaana; diyaaradan ayuu nooceedu yahay Boeing 737-400.

Diyaaradan ayaa waxay duullimaadyo ku tagi doontaa Magaalooyinka Dubai, London, Paris iyo kuwo kale oo Afrika iyo Calaamka ka tirsan, waxayna ku billaabaysaa Duullimaadyadeeda Dalalka Kenya iyo India.

Ugu dambeyn, Shirkadda Diyaaradaha Air Djibouti ayaa Tartan la geli doonta Shirkadaha diyaaradaha ee Kenya Airways iyo Ethiopian Airlines oo ah labada shirkad ee ugu weyn Gobolka Bariga Afrika.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya