4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2016
JIGJIGA: Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo la Kulmay Qaybaha Bulshada iyo Ardeyda


Jimco, August 12, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Jigjiga ee xazrunta dowlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi kula hadley odayaasha dhaqanka, hawlwadeenada iyo Shaqaalaha Rayidka ah ee deegaanka.

Xasan Sheekh oo munaasabaddan uu ku wehliyay Madaxweynaha Dowlada Degaanka Soomaalida dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay horumarka ka muuqda deegaanka, isagoo intaas ku daray inuu aaminsan yahoo in guulaha la gaarey ay sabab u tahay Wada-shaqeynta iyo isku duubnida shacabka iyo Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan wuxuu xusay horumarka Geeska Afrika uu ku xiran yahay hadba sida looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida, haddii labadaas la helana ay jiri karto rajo horumar dhan kasta ah lagu gaari karo.

"Dalka So alia wuxuu horumar la taaban karo ka sameeyay dhinaca amniga. Waxaa dalka lagu qabanayaa doorashooyin. Ciidammada Midowga Afrika oo Ethiopia ay ka mid tahay ayaana gacan weyn naga siiyay inaan Xasilloonida waddan ka shaqeyno. Waxaa labada waddan ka go’an inay bur-buriyaan shabakadaha argagixisada ee nolosha u diiddan dadyowgeena. Waxaan shacabka ka dooneynaa inay nagu taageeraan halganka aan ugu jirno inaan gobolkan uga dhigno mid la tartama caalamka intiisa kale,’’ ayuu Xasan yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in shucuubta labada Dal ee Somalia iyo Itoobiya ay dhinacyo badan iska kaashan karaan, loona baahan yahay in la dadajiyo barnaamijyada Suura-gelinaya iskaashi dhaqaale oo dadyowga Gobolka oo dhan ay ka faa’iideysan karaan.

Odayaasha-dhaqanka oo halkaasi hadallo ka jeediyay ayaa ku ammaanaye Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaaliyeed Dadaalka ay ugu jiraan dib u dhiska Soomaaliya.

Dhanka kale, Wuxuu Madaxweynaha Smalia booqday Jaamacadda Jigjiga oo ay dhigtaan Arday tiradoodu gaareyso 21,000. Jaamacaddaan ayaa sidoo kale leh kulliyad Takhasus Afka-Soomaaliga ah.

Ugu dambeyn, Goobaha kale ee uu Madaxweynaha booqday waxaa ka mid ah goobaha ganacsiga, isagoo socod ku marey qeybo ka mid ah magaalada Jigjiga oo ay tahay markii ugu horreysay oo uu booqdo.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya