4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 12, 2016
Nairobi: Tuugo laga soo qabtay Islii oo biliisku xiray

Jimco, Agoosto 12, 2016 (HOL)-Shalay ayaa waxaa booliska usuurta gashay inay soo qabtaan tuugo mar sii horeysay ay israsaaseyn ku dhexmartay xafaada Islii.

Arintaa ayaa dhacday kadib markii midkood oo dhaawacmay uu isbitaal daawo ama in la daaweeyo u doontay.

Tuugada ayaa mar markaa ka horeysay ay biliiska xaafada is rasaaseeyeen kadib markii boolisku ka warhelay inay yihiin tuugo isla markaana ay doonayeen inay dhacaan dukaan lagu kala waarido lacagaha la mariyo taleefanada gacanta ee loo yaqaano Mpesa.

Taliyaha booliska waaxda Starehe oo ah qeyb ka tirsan isla caasimada Nairobi Kiberenge Seroney ayaa sheegay in tuugadu ay israsaaseyn dhexmartay booliska wadada 7aad ee Islii ama 7th Street.

Asbuucii lasoo dhaafay, tuugo inay dhac kageystaan damacsanaa Islii balse la fahmay ayaa raasaas ooda uga qaaday dad waddo maraayay xaafada Islii halkaa oo ay nin lugta ka dhaawaceen ka hor intii aysan ku baxsan ayagu labo dhugdhugley.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Xaafada Islii
Magaalada Nairobi, Kenya.
[email protected]