4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 4 , 2016
Roobka Gu’ga oo Maanta ka Billowday Hargeysa iyo Deegaannada kale ee ku Dhaw (SAWIRRO)

Isniin, Abriil 04, 2016 (HOL) — Roobabkii Xilliga Gu’ga, ayaa gellinkii dambe ee Maanta ka da’ay magaalada Hargeysa iyo deegaanada hoos-yimaada, iyadoo Boorama iyo Gabiley ay shalay roobab lagu qabowsaday ka da’een.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayuu cirku lahaa daruuro, taasoo mar walba la sugayay inuu Roobku da’o, iyadoo magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda laga dareemay Nimcada ALLE ku shubay iyo necowda dabeysha roobka oo dadku sanka la raacayeen.

Sidoo kale, Deegaanada kale ee roobka laga soo sheegay, ayaa waxaa ka mid ah deegaanno hoos-yimaada degmooyinka Boorama iyo Gabiley, iyadoo kulaylkii iyo jiilaalkii dheera ee maalmihii u dambeeyay laga soo dugsanayay.

Hase yeeshee, Dadka xoolaha yaqaan ayaa sheegay in wakhtiga Gu’gu bilaabmo ay halista u badan u keento xoolaha, madaama ay xoolihii ka caatoobeen, isla markaana aanay lahayn awood ay roobka iyo qabowka iskaga xejiyaa, taasina ay keento inay roobabku laayaan inta hadhay ee xoolaha ah, iyadoo shacabka la faray in gurmadkii loogu talo-galay loo sii wado, isla markaana xoolahan raashin ay cunaan oo qabowga iyo roobka iskaga xejin karaan la siiyo.

Ugu dambeyn, Waxa Gobollada Somaliland ka dhacday Abaar adag oo keentay in afar qof ay u geeriyoodaan gaajo iyo haraad, Waxaana illaa hadda socda gurmadyo kala duwan oo loo fidinayo dadka ay abaaruhu sameeyeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland