4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 3 , 2016
Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo lagu Weeraray Madaafiic Khasaare Sababay


Axad, Abriil 03, 2016 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen tiro Hoobiyeyaal ah oo Goor-dhow lagu weeraray Xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho kuwaasoo ku dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Wardhiigleey iyo Hawl-wadaag.

Hoobiyeyaashaan, ayaa waxay qaarkood ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo aan la sheegin khasaare ay ka sababeen, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay, balse waxaa horay weeraro noocan oo kale ah horay u sheegan jirtay Al-shabaab.

Sidoo kale, labada ruux ee ku dhaawacmay duqeyntan ayaa la sheegay inay ahaayeen rayid ku noolaa Xaafado ka tirsan degmooyinka Wardhiigley iyo Hawl-wadaag oo ay tiro ka mid ah hoobiyeyaashan ku dhaceen.

Dadka ku nool xaafadaha ay madaafiicdan ku dhaceen ayaa argagax xoog leh ka muujiyay duqeynta, iyagoo sheegay in laba ruux oo shacab ay dhaawacyo kasoo gaareen, balse lama sheegin cid ku dhimatay.

Bilihii aynu kasoo gudubnay, ayaa waxaa Duqeymo noocan oo kale lagu Weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo Weerarradii hore ay dhacayeen xilli uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha Somalia, laakiinse duqeynta maanta ayaa lagu soo beegay xilli uu ku sugan yahay Muqdisho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalai ayaan weli ka hadlin Madaafiicdan maanta lagu weeraray Madaxtooyada Somalia iyo khasaaraha ay sababeen, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in hoobiyeyaashan ay u muuqaal ekaayeen kuwo laga soo tuurayay xaafado ka tirsan Muqdisho.

Ugu dambeyn, Duqeyntan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli shalay Muqdisho lagu dilay afar qof oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan Nabad-sugidda Soomaaliya, kuwaasoo lagu kala dilay degmooyinka Boondheere iyo Wadajir, kooxihii dilalkan geystayna ay baxsadeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya