4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
Waxbarashada Dalka Itoobiya oo lagu Qiimeeyay Caasimadda DD Soomaalida - Itoobiya ee Jigjiga


Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) — Magaalada Jig-jiga ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa waxaa maanta lagu soo Gunaanaday Qiimeyn lagu samaynayay Wax-barashada guud ee Itoobiya, taasoo uu hoggaaminayay Wasiirka Waxbarashada Federaalka Itoobiya, Shifaraw Shukute.

Qiimayntan Waxbarashada ee Jigjiga lagu qabtay ayaa waxaa ka Qayb-qaadanaya sagaalka Wasiir ee deegaanada dalka Itoobiya iyo labada maamul magaalo ee Addis Ababa iyo Diri-dhabe oo dalka Itoobiya uu u qaybsan yahay.

Sidoo kale, Waa kulankii koowaad ee Noociisa ah oo Jigjiga lagu Qabto muddo dhawr iyo toban sannadood ka bada. Waxaana Qiimeyntan ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka, ahna Wasiirka Wax-barashada Dawlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Mowliid Haayir Xasan.

“Tartankii Waxbarashada ee wadanka Itoobiya ee sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay ayaa looga hadlayaa Qiimeyntaan, waxaana lagu xisaabtamayaa maxaad qabatay iyo maxaa kuu qabsoomi waayay, waana tallaabo horumar leh. Wixii horumar ah waa la isku ammaanyaa, wixii dhaliil ahna waa la saxayaa, waxayna tani muujinaysaa horumarada Waxbarashada ee Waddanka Itoobiya,” ayuu yiri Mowliid Haayir oo u warramayay BBC-da.

Wasiirka ayaa intaas ku daray, in Tallaabadaan ay tahay mid maamullada Itoobiya oo dhan lagula Xisaabtamayo, si Hawlaha Dhinaca Waxbarashada ee Shacabkeenna aan u hayo loo dhiirri-geliyo, isla markaana loo xoojiyo.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd; Qiimeynta ma mid waxbarashada oo dhan la xiriirtaa, mise waa mid gaar u ah Waxbarashada sare oo keliya, ayuu ku Jawaabay. “Qiimeyntan waa mid lagu qiimeynayo Waxbarashada Aasaasiga ah ee Itoobiya oo dhan.”

Dhanka kale, Waxaa wasiirka la su'aalay, sida ay qiimeynta maanta u dhacayso, maadaama is-maamul walba uu Afkiisa wax ku barto Manaahij-ta wax lagu bartana kala duwan yihiin, Wuxuuna kaga Jawaabay. “Waxbarashada Maamullada Itoobiya Qolo walba Luuqaddooda ayay wax ku bartaan. Markaan deegaanka Soomaalida u soo noqdo, Dugsiyadeenna Waxaa lagu bartaa Afka Soomaaliga Fasallada 1-aad iyo 8-aad, Afafka Ingiriiska iyo Amxaarigana waxay u qaataan luuqad ahaan, si ay ardaydu uga dhismaan dhinaca Afafka. Laakiin marka Warbixinnada la kala Qaadanayo Luuqadda Amxaariga - ayaa lagu kala qaataa Itoobiya oo dhan.”

Waxaa kaloo la Weydiiyay Haayir, Sow ma Wanaagsanayn in Itoobiya oo dhan ay yeelato hal manhaj oo waxbarasho oo ardayda wax lagu baro, isagoo ku jawaabay in tani ay si toos ah u waafaqsan tahay Go’aannadii QM iyo midda xuquuqaha aadanaha ee uu Caalamku ku heshiiyay. Waayo macalinka koowaad ee hooyada, marka in ardayga waxbarashadiisa hore aanu wax ku barno luuqaddiisa waa muhiim, waa hannaanka waxbarasho ee dalka u yaalla.

“Maadaama Dalkeennu uu dhaqaalihiisu kor u soo kacayo, Luuqadda Ingiriiska waxaa lagu qaataan fasalka 1-aad illaa 12-aad, Jaamacadaha Luuqadda Ingiriiska ayaa wax lagu bartaa. Nidaamkeenna Waxbarashadana waa mid Dastuuri ah oo waafaqan nidaamka caalamiga ah iyo kuwa Xuquuqda aadanaha Caalamka,” ayuu intaas ku daray wasiirka waxbarashada iyo madaxweyne ku xigeenka DDS Itoobiya.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa la weydiiyay, Waxay maamul ahaan la shir-tageen, Wuxuuna ku jawaabay, inay tartankan qiimeynta ah geeyeen wixii ay bulshadooda u qabannay, wixii aan u qabsoominna waxaan u sheegnay buu yiri guddiga inay noo Qabsoomi waayeen.

“Wixii noo Qabsoomay Markaan ka hadlo... Dugsiyadeenna Waxbarashada Tiradoodu waa 3,518 oo 152 ka mid ah ay yihiin Dugsiyo sare, waxaana xusuus mudan in xilligii ay Dalka Itoobiya ka talinaysay xukuumaddii kali-taliska ahayd, waxaa deegaankeena ku yaallay hal Dugsi sare oo keliya. balse muddada gaaban ee aan is-maamulaynay waxaanu hir-gelinnay 151-dugsi sare. Dhanka kale, macallimiinta ka halw-gala waa 20,620 macallin, tirada guud ee Ardayda wax bartana waa ku dhawaad 1040,000 oo arday,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Wasiirka Waxbarashada DDS ee dalka Itoobiya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya