4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
SAWIRO: Bayaan Maanta kasoo baxay shirkii dib u eegista Dastuurka ee lagu Qabtay MUQDISHO

Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) —
Kulan isugu jiray Wada-tashi iyo kala War-qaadasho una dhaxeeyay Wasaarada Arrimaha Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Somalia & ururadda Bulshadda Rayidka ee Somalia oo socday 24-kii iyo 25-kii bishan ayaa lagu qabtay Waxaa Hotel SYL Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen 100-xubnood oo ka kala socday Ururrada Bulshada Rayidka; Puntalnd, Jubbland, Koonfur-galbeed, Galmudug, Hiiraan, Shabeellada dhexe, xubno ka socday gobolka Banaadir, Guddiga  la socdka baarlamanka Soomaaliya ee dib-u-eegista Dastuurka Somalia, Guddiga Madax-bannaan ee dib-u-eegista iyo Hir-gelinta Dastuurka iyo xubno ka tirsan Qurbo-joogta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxay ujeeddadiisu ahayd;  Xog La wadaagista Geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka Somalia iyo ka Qayb-gelinta Ururrada Bulsadda Rayidka.  Waxaa Furitaankiisii Goob-joog ka ahaa; Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda FS, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, Guddomiyaha Guddiga la socodka dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaanad Maryan Cariif Qaasim, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dib u eegista iyo Hir-gelinta Dastuurka, Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo xubno ka tirsan Guddiyadan.  Kulankan ayaa ahaa kulankii labaad  oo ay kasoo Qayb-galaan Ururdada Bulshada Rayidka ah ee ka kala yimid dhammaan Somalia laguna qabto Muqdisho. Qabashada kulankan wuxuu astaan u yahay sida xukuumadda Somalia ay uga go’antahay in dastuurka laga qayb-geliyo lagalana tashado dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa Waxaa soo Xiray Ra’iisul Wasaare ku- xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Cumar Carte. Waxaana Ururrada Bulshada Rayidka ah oo la tashanaya Wasaarada Arrimaha Dastuurka soo jeedeeninayaan qodobada hoos ku xusan:

1. Waxaa si taxadar leh hoosta looga  xariiqey in  dib-u-eegista dastuurka iyo holwaha lagu wacyi galinayo Shacabka Soomaaliyeed noqoto mid ay hogaanka u hayaan Soomaalida si dastuurku u noqdo mid Soomaali leedahay.

2. In Wasaaradda Arimaha Dastuurka, Guddiga La socodka  Baarlamaanka ee Dib-u-Eegista Dastuurka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka iyo Bulshada Rayidka ah ay ka wada-shaqeeyaan sidii dadweynaha loo gaarsiin lahaa geedi-socodka dib-u-eegista  dastuurka.

3. Kulankan waxa uu hoosta ka xariiqayaa in la tixgeliyo Xauquuqda siyaasadeed ee Haweenka Soomaaliyeed.

4. Si loo helo kaadariin aqoon u leh baahinta dastuurka, waa in la tababaraa dad isugu jiro qaybaha kala duwan ee bulshada sida: haweenka, dhalinyarada, odayaasha-dhaqanka, culuma’udiinka, naafada iyo siyaasiyiinta.

5. Dastuurku waa in lagu qoraa Afka Soomaaliga, isla markaana uu wato sharaxaad si ay u sahasho in shacabka Soomaaliyeed uu si aad ah uga haqab beelo  fahamkiisa.

6. Waa in ay hay’adaha dastuuriga ee dowladda  federaalka  ah ay ka tala-galiyaan ururada bulshada rayidka  fariimaha lagu baahinayo aaladaha warfaafinta si looga hortago in uu dhasho ama abuurmo  dareen dhib u keeni kara geedi-cosdka dib-u-eegista dastuurka.

7. Qaybaha ugu culus dib-u-eegista dastuurka waa arimaha quseeya  siyaasadda, sidaas darteed waa in la qabto kulamo  balaaran (town hall meetings) oo ay qayb ka yihiin urrurada Bulshada Rayidka ah  oo lagu soo Bandhigayo qodobada siyaasadeed ee dastuurka iyo arrimaha xasaasiga. ah.

8. In bulshada rayidka ah, gaar ahaan ururada qaabaysan,  ay noqdaan codkii u hadli lahaa dadweynaha.  

9. In la isticmaalo aaladaha warfaafinata ee kala duwan ee maqalka, muuqaalka iyo internetka (social media) si ay dadweynuhu u fahmaan dastuurkooda

10.  In fariimaha la gudbinayo loo adeegsado suugaanta laguna saleeyo  dhaqanka Soomaaliyeed ee deegaankaas

11. Waan in bulshadda  baahida gaarka ah leh sida naafadda muuqata iyo tan aan muuqan  lagu tixgaliyo baahida ay qabaan isla markaana xuquudooda la sugo.

12.  Hay’adaha caalamiga ah ee doonayo in ay caawiyaan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Gobaleedyadda iyo shacabka Soomaliyeed waa in ay mideeyaan  xoogooda, taladooda, xiriirintooda, isla markaana  ay si joogta ah ula shaqeeyaan  kana tala qaataan hay’adaha dastuuriga ah ee u xilsaaran geedi- socodka dib-u-eegista dastuurka. 

13.  Maamuladda dalka ka jiraa  waan in ay door muhim ah laga siiyo wadatshiga, dib–u-eegista iyo  faafinta dastuurka.

14.  Waxaan soo Dhowaynaynaa Shirweynaha Qaran ee Dib u eegista Dastuurka oo la isku raacay in Garoowe lagu qabto 25 May 2016, waxaan ka codsanaynaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in si weyn loo tixgeliyo ka qaybgelinta urrurada Bulshada Rayidka ah Shirweynaha Qaran.

15.  Si loo sahlo wadashaqaynta Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Urrurada Bulshadu Rayidka waa in la joogteeyaa kulamada noocan ah.

Ugu dambeyn, Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan ka qayb-galayasha ka kala yimid Gobollada dalka oo dhan, qaban-qaabiyayaasha shirkan socday labada maalin iyo hay’adihii gacanta ka gastay inuu guul ku dhammaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya