4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
UNICEF: Soomaaliya waxaan Gacan ka siinaynaa dadaallada lagu Cirib-tirayo Cudurka Kaneecada


Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) — Hay’adda UNICEF, ayaa ballan-qaaday in ay Somalia ka taageerayso dadaallada la doonayo in Cudurka duumada looga cirib tiro Dalka Soomaaliya, iyadoo maanta loo Dabaal-dagayo maalinta Cudurka Duumada ama Kaneecada.

Warbixin lasoo saaray, ayaa lagu sheegay in Heerka Cudurka Kaneecada ama Duumada ee Somalia uu hoos-u-dhacayay tan iyo Sannaddii 2009-kii, markaa oo afar meelood hal meel oo u dhiganta 27.3% uu cudurkan saameyn xoogan ku yeeshay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in Sannadkii 2014-kii, tirada dadka Soomaaliyeed ee Qaba lagu sheegay inay gaartay wax ka yar 2%, taasoo ah baa la yiri hoos-u-dhac weyn oo ku yimid cudurkan oo ka mid ah cudurrada sida ba'an u laaya bani'aadamka.

"Maanta oo ah maalinta Duumada ama Kaneecada Caalamka, waxaan jecelnahay inaan qof kasta xusuusino in lasii wado dagaalka ka dhanka ah cudurka, inkastoo uu hoos u dhacay," ayuu yiri Dr. Anirban Chatterjee oo ah madaxa caafimaadka Hay'adda QM ee UNICEF.

Dr Chatterjee ayaa hadaliisa ku daray. "Waxaan Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan Haweenka uurka leh iyo carruurta da’doodu shanta sano ka yar tahay kula talinayaa, in ay Maro-kaneecada ku Seexdaan, ayna Raadsadaan Dawo mar kasta oo ay Calaamadaha lagu garto cudurkaan dareemaan ama isku arkaan."

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in Qorshaheedu yahay inay dadaalada looga hor-tagayo cudurkaan iyo daweyntiisa sare u qaaddo, si heerka Cudurkan ee Gobollada Koonfurta iyo bartamaha Somalia loo gaarsiiyo tiro ka yar Hal Boqolkiiba, Maadaama ay yihiin meelaha ugu badan ee cudurku ka saameeyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool.

Ugu dambeyn, Hay'adda UNICEF ayaa waxay gobollada Soomaaliya oo dhan ka wadday sanadihii lasoo dhaafay tallaalka cudurrada halista ah ee Caruurta waxyeellada xooggan u geysta, kuwasoo ay ka mid yihiin; Dabeysha, Gowra-catada, Xiiq-dheerta iyo kuwo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya