4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
TRUMP: Xisbiga Jamhuurigu wuxuu igu hayaa Xagal-daacin uu ku diidan yahay Guulahayga


Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) — Labada musharax oo xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka kula tartamaya doorashooyinka hordhaca ah Maal-qabeenka Donald trump ayaa shaaciyay inay u midoobi doonaan sidii ay u xagal-daacin lahaayeen Trump oo ah ninka ugu cadcad Musharaxiinta Xisbiga Jamhuuriga.

Murashaxiintan ayaa sheegay in Gobollada haray ee lagu tartami doono ay doonayaan inay iska-kaashadaan - sidii ay Xooggooda isugu geyn lahaayeen si ay uga Guulasytaan Donald Trump.

Ted Cruz ayaa sheegay inuu dhimayo ololihiisa ku wajahan Gobollada Oregon iyo New Mexico, halka John Kasich uu isagana sheegay inuu fursad siin doono tartanka gobolka Indiana ka dhici doona.

Sidoo kale, Donald Trump ayaa ku dacwooday dhawr jeer in xisbiga uu wado qorshe isaga loogu diiddan yahay inuu guulaysto ka qayb-galka doorashada Madaxnimo ee Mareykanka oo dhici doonta daba-yaaqada sannadkan 2016-ka.

Donald Trump ayaa horay u jeediyay hadalo caalamka oo dhan ka dhaliyay muran xoogan, kuwa intooda badan la isla Dhex-marayo ayaa waxaa ka mid ah; Siyaasaddiisa ku Aaddan Waddanka ay dariska yihiin ee Mexico oo uu sheegay inuu darbi ka dhisi doono Xadka uu Mareykanka la leeyahay iyo isagoo ku baaqay Muslimiinta laga mamnuuco in Maraykanka ay soo galaan.

Ugu dambeyn, Inkastoo murashaxan maal-qabeenka ah uu aad uga horreeyo murashaxiinta ay isku Xisbiga yihiin, ayaa haddana waxaa warbixin ay dhawaan soo saartay hay'ad weyn oo fadhigeedu yahay Britain, Waxay ku sheegtay in Donald Trump oo ka Madaxweyne ka noqda Mareykanka ay noqonayso caqabad kale oo Caalamka soo Wajahada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya