4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 25, 2016
RW Cumar oo xilkii ka qaaday wasiirkii Boostada Isagoo Wasaaradaas Wasiir Cusub u Magacaabay


Isniin, Abriil 25, 2016 (HOL) — RW Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, ayaa ka qaatay xilkii Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Somalia, Guuleed Xuseen Qaasim, kaddib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Sharma'arke ayaa xilka Wasiirka Boostada iyo Is-gaarsiinta u magacabay Wasiir cusub oo lagu magacaabo, Maxamed Jaamac Mursal, sida lagu xusay Wareegatada RW Somalia uu soo saaray.

Kulan uu RW Somalia xalay la qaatay Golaha Wasiirrada, ayuu ugu sheegay in xilkii uu ka qaaday Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Somalia, Guuleed Xuseen, uuna xilka u magacaabay wasiirka cusub, Maxamed Jaamac.

Sidoo kale, Xil ka qaadidda ayaa noqonaysa isbedelkii 2-aad oo RW Cumar uu ku sameeyo golihiisa Wasiirrada tan iyo markii x-lka loo magacaabay Sharma'rke, isagoo horay isbedel ugu sameeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirradiisa.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka cusub ee xilka loo magacabaay ay si aad ah isugu dhaw yihiin Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Madoobe], iyadoo xil-ka-qaadista wasiirkii hore iyo magacaabidda kan cusub ay isla garteen Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo RW Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyn, Wasiirkan xilka laga qaaday ayaa noqonaya midkii saddexaad oo uu xilka ka qaado RW Sharma'arke, isagoo horay xilalkii ka qaaday, kuna bedelay wasiirro cusub, Wasiirradii Ganacsiga iyo Tamarka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya