4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2016
Xildhibaan C/rashiid: Hishiiskii Garowe Wuxuu kasoo Hor-jeedaa Dastuurka & Shuruucda Dalka


Axad, Abriil 24, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka iyo Tamarta eGolaha shacabka, Xildhibaan Cabdirashiid C/llaahi Maxamed oo maanta Muqdisho ku qabtay shir jaraa'id, ayaa in heshiiskii 03-dii bishaan Abriil, ay Garoowe ku kala Saxiixdeen Dowladda Federaalka Somalia iyo Puntland ku tilmaamay mid lagu shirqoolayo Qaranimada Somalia.

Xildhibaanka ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid aan Waafaq-sanayn Dastuurka iyo Shuruucda kalkaleba, isla markaana uu ku Tilmaamay mid lid ku ah madax-bannaanida iyo Qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale, xildhibaanku ayaa RW Soomaaliya ku eedeeyay inuu si Caddaalad-darro ah uu Heshiiskaas u saxiixay oo ka Hor-imaanaya Dastuurka dalka u yaalla. isagoo yiri: "Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku kacay fal lid ku ah xuquuqda Dadka ku nool Gobollada Sool, Sanaag iyo Magaalada Buuhoodle, kuwaasoo Heshiiskan lagu duud-siiyay Xuquuqdoodii Asaasiga ahayd."

Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa xusay in shacabka Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay ka baxeen Puntland Sanadkii 2012-kii, wuxuuna soo bandhigay warqad caddeynaysa ka bixitaanka bulshada Gobolladaas ay ka baxeen Maamulka Puntland, taasoo uu ku saxiixnaa Ra'iisul wasaarihii xilligaas, C/weli Gaas oo haatan ah Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, dhawaan ayay ahayd markii Shir ay Muqdisho ku yeesheen Xildhibaannada Baarlamanka Somalia ee kasoo jeeda Khaatumo ay kaga soo horjeedaan go'aannadii shirkii Madashii wada-tashiga ee Muqdisho kasoo baxay, kaasoo ay sheegeen in lagu Duud-siiyay xuquuqdii shacabka ku nool deegaannada maamulka Khaatumo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya