4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2016
Wararkii u dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay Deegaanka Daac-dheer ee Gobolka Galguduud


Axad, Abriil 24, 2016 (HOL) — Xaalad deggenaasho ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Daac-dheere ee Gobolka Galguduud oo maalintii shalay uu dagaal ku dhex-maray ciidanka Liyuu booliiska dowlad-deegaanka Soomaaliya dalka Itoobiya iyo dadka Deegaanka.

Dagaalka oo ahaa mid labada dhinac isku adeegsadeen hub culus ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo labada dhinac ee dagaalku dhaxmaray ah, tiro kale oo intaa kabadanna waxaa la soo warinayaa in ay ku dhaawacmeen.

Inkastoo, waqtigaan wax rasaas ah aysan socon, haddana waxaa wali jirta xiisad ka daagan deegaanka, Madaama dhinacyadii Dagaallamay is-hor-dhiyaan, taasoo Suuro-gal ka dhigi karta in mar kale dagaal dhaco.

Iska-horimaadkii shalay dhacay ayaa dhashay sidda warar madax-banaan sheegayaan amar ciidammada Liyuu booliska ku siiyeen shacabka Deegaanka Daac-dheer in ay halkaa isaga guuraan, laakiin waxaa arintaa ka hor yimid bulshadii halkaa ku nooleyd oo markii danbe uu dagaal dhaxmaray ciidammada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Maleeshiyaadka deegaanka Daac-dheer ayaa la sheegay in markii dambe ay Gurmad kala duwan ka helleen qabaa'ilo iyo dadka ku nool Deegaannada kale ee Gobolka Galguduud, taasoo sii cusleysay dagaalka oo sababay khasaare baahsan oo leh dhimasho iyo dhaawac intaba.

Saraakiisha ciidammada Liyuu Booliiska ayaa dhinacooda warbaahinta u sheegay in ay la dagaallameen ciidammada maamulka Galmudug oo gacan ka hellaya Al-shabaab, kuwaa oo weerar ku soo qaaday sidda ay hadalka u dhigeen, fariismo ay joogeen ciidammadooda.

Inkastoo eedeyntaa ay soo jeediyeen saraakiisha ciidanka Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, haddana dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug.

Ugu danbeyntii, deegaannada dhac xadka Itoobiya ee gobollada Galguduud iyo Hiiraan aya Marar badan Sidaan oo kale, Waxaa horay uga dhacay dagaallo Dad badani ku dhinteen oo dhaxmaray ciidamada Liyuu Booliiska Itoobiya iyo dadka deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya