4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2016
Lix nin oo Maanta isku Qarxiyay Jidka isku xirta Degmooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba ee Bay


Axad, Abriil 24, 2016 (HOL) Ciidamada Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed, ayaa maanta fashiliyeen qaraxyo la doonaayay in weeraro looga gaysto Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidamada, ayaa waxay saakay isu gadaameen guryo ku yaala inta u dhaxeyso wadada isku xirta magaalooyinka Baydhabo & Buurhakaba, gaar ahaan Deegaanka Raydable. Waxayna amar ku bixiyeen inay isa soo dhiibaan nimankii weerarada ku diyaarinaayay guryahaasi, waxayna ka biyo diideen inay sharciga isku soo dhiibaan.

Sidoo kale, illaa sagaal nin oo guryahaas ku sugnaa ayaa waxay dagaal kala hor-yimaadeen ciidanka maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo markii ay rasaasta ka dhamaatayna ay lix nin oo ka mid ahaa is-qarxiyeen, halka nolosha lagu soo qabtay saddexdii kale. Ciidanka, ayaa sidoo kale waxay gacanta ku soo dhigeen suumanka ka samaysan walxaha qarxa, qoryo iyo rasaas, iyagoona u soo qaaday dhinaca Magaalada Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Ee Baydhabo, Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa sheegay in ay helayn macluumaadka ku saabsan raggaasi, isla-markaana ay la wadaageen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Koonfur Galbeed, kuwaa oo ku guuleystay buu yiri inay fashiliyaan weeraradii kooxda Ugus.

Taliyaha ayaa sheegay in saddexda nin ee ay gacanta ku soo dhigeen inay yihiin Amiirro ka tirsan Al-shabaab, ayna hadda ay ku hayaan xarumaha nabad-sugiddu ay ku leedahay Magaalada Baydhabo.

Ugu dambeyn, Aflow oo la hadlayay Warbaahinta ayaa bulshada kaga mahadceliyay wada shaqaynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka ee Gobolka Baay, wuxuuna ku booriyay inay sii wadaan xiriirka kala dhaxeeya Hay’adda NISA, maadaama ay Shabaabku yihiin koox si guud u dhibaateynaysa shacbiga Somaliyeed.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya