4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 24, 2016
CAWAD: Waa inaan laga doodin Ajande kale inta aan ka Dhameynayno Xeerka Axsaabta Dalka


Axad, Abriil 24, 2016 (HOL) — Baarlamanka Somalia waxaa horyaalla sharciga Axsaabta oo ay goor sii horeysay u soo gudbisay xukuumadda soomaaliya ka dib markii ay soo meel marisay , xildhibaanadda golaha shacabka ayaa ka doodi doono sharciga Axsaabta sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka ka dib ayaa loo cod qaadi doonaa ,waxa ay dooda qaadaneysaa saacado mararka qaarna maalmo.

GudDoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka  soomaaliya Mahad Cabadala Cawad ayaa soo jeediyay in inta uu socdo ka hadalka sharcigan aysan aheyn in laga hadlo qorsho kale balse ay muhiim tahay in dhan loo dheeliyo sharciga Axsaabta dalka .

“Waa muhiim inaan arintan oo ah mid siyaasadeed aan dhinac iska dhigno si ay u muuqato inaan dalka u sameynayo sharci ay ku dhismaan asxaabta siyaasadeed sida ku cad hishiiska bulshadda Ama dastuurka dalka ee aanan wali laga saarin qabyadda.”

Ugu dambeyn, Ka-hadlka sharciga axsaabta ee baarlamaanka horyaalo waxaa dhinac socdo xisbiyo siyaasadeed oo wadanka ka sameysmayo balse su’aasha taagan ayaa ah sharcigan iyo xisbiyadda siyaasadeed ma noqon doonaan kuwa isla jaanqaaado.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya