Rag hubeysan oo toogasho ku dilay gudoomiyihii Xaafadda Howl-wadaag ee degmada Baladweyne
Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay magaalada Beledweyne guddoomiyihii xaafadda Howl-wadaag oo lagu magacaabi jiray Cabdi Gurey.
Sidoo kale, ragga toogashada geystay ayaa dhaawacay askari ilaalo u ahaa guddoomiyaha kaasoo hadda lagu dabiibayo isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne.
Goob joogayal ku sugan xaafadda Howl-wadaag ayaa HOL u sheegay in ragga dilka geystay markiiba goobta ka baxadeen, kaddib is rasaaseyn dhaxmartay iyaga iyo askariga ilaalada u ahaa guddoomiyaha la dilay.
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayaa goobta falka dilka ka ah dhacay gaaray, kuwaa oo bilaabay baaritaano iyo howl-gal lagu baadi-goobayo kooxaha dilka geystay.
Xaafadda Howl-wadaag ee Beledweyne ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilalka noocan oo ah kale oo loo geysto mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka, odayaasha dhaqanka iyo ciidammada dowladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya