4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2016
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka dalbaday Xukuumada inay Horkeento Hiishiiska Aayaha Somalia


Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — 12 bishan waxaa muqdisho lagu soo gebo gabeeyay shirkii madasha wadatashiga oo socday muddo labo maalmood ah, waxaa ka qayb galay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha dowladdaha qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Shirka waxaa laga soo saaray hishiis ku saleysan aayaha soomaaliya gaar ahaan habka ay u dhici doonto Doorashada la filayo in ay qabsoomi doonto dabayaaqada sannadkan 2016-ka, taasoo noqon doonto doorasho dadban maadaama aysan suurta gal ahayen sida dastuurka dalka ku qoran in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa golaha Fulinta ee dowladda ugu baaqay in ay soo dedejiyaan keenista hishiiska aaayaha Somalia si loogu badalo sharci .

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan ayaa sheegay in RW-ha uu sheegay in baarlamaanka hishiiskaasi la horgeen doono 20 Bisha April, balse ay dib u dhacday, hadda oo waqtigii lagu balansanaa keenistiisa la dhaafay ayaa u diray fariin ku aaddan in la hore-keeno Baarlamaanka Soomaaliya, si loogu badalo sharci ka dibna loo dhaqan galiyo, si Waddanka ay uga dhacdo Doorasho in kastoo sida hishiiska Bulshada ku qoran ama Dastuurka aysan u dhici karin Doorashada marka la eego Amniga Soomaaliya .

Bilaha August iyo September ee Sannadkan 2016-ka, ayay ku kala eg-yihiin Baarlamanka iyo Dowladda Soomaaliya waqtiyadii ay soo shaqeynayeen, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan “Jawaari” ayaa sheegay in dalku uusan baarlamaan la’aan iyo dowladd la’aan noqon doonin inta dowlad laga yigleelayana ay kuwa hadda jira ay sii gaar-siin doonaan.

Ugu dambeyn, Howsha ma yara Geediguna wuu raran yahay, Dowladda hadda jirta ayaa u hartay muddo kooban waxaana looga fadhiyaa in wadanka ay gaarsiiso meel wanaagsan uu muwaadinku ku dareemi karo dowladnimadda.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya