4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka oo Tababbar loogu soo Xiray Minnesota (SAWIRRO+VIDEO)

Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) — Dalladda Midowga Dugsiyada Qur;aanka Kariimka ah ee Gobolka Minnesota ee loo yaqaanno M.D.A, ayna ku midoobeen dhawr iyo toban dugsi oo ku yaalla Minnesota, ayaa soo Gunaanaday Siminnaar Soconayay Labo Maalmood, kaasoo ahaa mid Sannadkii Saddexaad la qabanayo. Tababarkan ayaa waxaa ka faa’iidaystay in ka badan 150 Macallin oo Wax-ka-dhiga Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah ee Minnesota ku yaalla. Iyadoo siminaarku uu uga duwanaa kuwii ka horeeyay culumada & aqoon-yahanka lagu maamuusay inay casharrada ka bixiyaan.

Casharada Siminaarkan ayaa waxaa bixinayay culummo iyo macallimiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen; Sheekha weyn ee Gobolka Minnesota, Sh. Wuliid al-Maniisi, Sh. Hassan Salah oo ka mid ah culumada Gobolka New Jersey iyo Prof. Saciid Saalax Axmed oo wax-ka-dhiga Jaamacada Minnesota. Iyadoo Tababarkan uu Ujeedooyin muhiim ah lahaa.

Tababarka loo qabtay Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka, ayaa ujeedkiisu ahaa in kor loo qaado tayada Macallimiinta iyo in la baro Hannaanka wax-barista iyo sidoo kala fahanka iyo maamulida Waalidka iyo ardayga iyo Hormarinta habka barista Qur’aanka iyo fahansiinta micnihiisa si ay ardaydu u fahmaan micnaha guud ee Qur’aanka Kariimka, kaas oo ay maalin walba akhriyaan. Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay habka ugu sahlan oo loo baro ardayga qorista. hingaadda, iyo Tajwiidka.

“Si aad ah ayaan maanta ugu faraxsanahay in aan ka Qayb-galo Tababarkaan loo qabanayo Macallimiinta Madaarista Gobolka Minnesota,”, ayuu yiri Sheekh Hassan Saalix oo ka mid ah culummada xifdisan Qur’aanka ee sida weyn Caalamka oo dhan looga yaqaanno.

Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee M.D.A, Ali Nasir oo tababarka waqti fara badan geliyay, ayaa ku boorriyay macallimiinta inay isku Xirnaadaan, Dacwadoodana ay dar-dar-geliyaan oo aysan intaas ku ekaan.

Madaxa Guud ee M.D.A, Abdiqani Gar-yare - ayaa isagana si aad ah ugu farxay habka loo soo agaasimay xafladdan, isagoo sheegay inay ka duwanayd Siminaarradii ka horreeyay ee nooceeda ahaa. Macallimiinta ayaa iyaguna si weyn ugu farxay Dowradaan cilmi korarsiga ahayd.

Dhanka kale, Waxaa laga dooday sidii loo Wanaajin lahaa xiriirka Macallinka iyo Ardayga ka dhexeeya, loona Naxariisto carruurta wax la barayo, waxaana laga hadlay sidii carruurta loo jeclaysiin lahaa dugsiyada Qur’aanka Kariimka, loogu sameyn lahaa waxyaabo ku jiida inuu cunuggu ku farxo hawsha wanaagsan ee uu qabtay.

Ugu dabmeyn, Intii Tababarkani socday, ayaa laga dareemayay Macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee Minnesota - Cilmi-jecayl iyo Dul-qaad, isla shaqayn iyo is-jaceyl ka dhexeeya. Tababarkan iyo kuwii ka horreeyayna si weyn ayaa loogu riyaaqay.

Siyad said Salah, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Minneapolis, Gobolka Minnesota