4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Dadka ku dhaqan gobolada Hiiraan iyo Sh. dhexe oo soo Dhaweeyay Webiga oo Biyo keenay (SWR)

Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) — Ku dhawaad Saddex bilood oo Deegaannada uu Webiga Shabeelle ka maro Soomaaliya Meelaha qaarkood isku bedelay garoon kubada ku cayaarto, ayaa la arkayaa waqtigan wabbiga oo wadda biyo tan dhaaf ah, kuwaasoo kasoo rogmaday roobabka ka da'aya dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Shacabka ku nool gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa si weyn u soo dhaweeyay is-beddelka uu sameeyay Webiga - oo inta badan ay ku tiirsan yihiin Ceelasha Biyaha siiya xaafadaha ay ku nool yihiin shacabka Beledweyne iyo Jowhar.

Biyo la'aanta muddada dheer uu wajahay Webiga Shabeelle, ayaa meelaha qaarkood waxaa ka dhashay Cudurro aan la garaneyn, kaddib markii dadka inta aan awoodin in ay iibsadaan biyo nadiif ah khasab ku noqotay inay cabaan biyaha Webiga oo Waqtigaas ahaa kuwo aad u Wasaqeysan.

Laakiin xilligan la joogo biyaha webiga waa kuwo la isticmaali karo, madaama u wado tar xoog leh oo meesha ka saaray dhamaan wixii wasaq ahaa ee markii hore dhax ceegaagay.

Ugu danbeyn, Inkastoo sababta ugu weyn ee is-bedelka ku keenay Webiga lagu tilmaamay roobabka xiliga gu'ga ee ka da'aya deegaannada W/qooyiga Soomaaliya gaar ahaan dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in la furay biyo xireeno markii hore Dowlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ay ku Sameeyeen Webiga, iyagoo ka cabsi qaba daadad ka dhasha roobabka da'aya iyo biyaha webiga marka ay is-biirsadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya