4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Ruushka oo sheegay in Somalia uu Hub ka iibin doono haddii laga qaado Cuna-qabateynta Hubka


Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) — Xukuumadda Ruushka, ayaa shaacisay inay Somalia hub ka iibinayso, haddii Qaramada Midoobay ay si rasmi ah uga qaado cunno-qabteynta hubka ah ee saaran.

Afhayeen u hadlay Xukuumadda Moscow ayaa shaaca ka rogay in Ruushku diyaar u yahay inuu hub ka iibiyo Soomaaliya, ayna fulin doonto dalab uu sheegay in uu Soomaaliya kaga yimid, kaasoo ah in hub ay ka iibiso Ruushka, si ay Ciidamadeeda dib ugu dhisto.

Wakaaladda Wararka Ruushka oo soo xiganaysay Afhayeenka ayaa baahisay inay Somalia ka dalbatay dowladda Ruushka inay ka iibiso hub casri ah, Wuxuuna Afhayeenu u sheegay Wakaaladda in Xukuumadda Ruushka ay fulinayso dalabka kaga yimid dowladda Somalia.

“Ruushka diyaar ayuu u yahay inuu meel-mariyo dalabyada dhanka hubka ah ee Caalamka uga imaanaya, sida Soomaaliya, waase haddii aysan saarnayn Cunno-qabteyno Hub,” ayuu yiri Afhayeenkan u hadlay Xukuumadda Moscow.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Ruushka, Sergei Lavarov ayaa sheegay inay Xukuumaddiisu diyaar u tahay inay gar-waaqsadaan inay Somalia iska kaashadaan dhanka farsamadda milliteriga.

Dowladda Ruushka, ayaa hadalkeeda kusoo beegtay maalin kaddib markii uu RW Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke uu Booqasho ku tagay Dalka Ruushka, uuna la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergei Lavarov oo ay kada hadleen sidii uu Iskaashi dhanka ciidamada ah.

RW Soomaaliya, Sharma’arke ayaa kulanka uu la yeeshay Lavarov oo Moscow ka dhacay kaga dalbaday Ruushka inay ka taageerto Dowladda Somalia horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta awoodda ciidamada Qalabka sida ee Somalia.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo ka hor ka dalbaday Golaha Ammaanka ee QM in Somalia laga qaado Cunno-qabateynta Hubka ah ee saaran, si dib loogu dhiso ciidamada xooga dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya