4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 22, 2016
Madaxweyne Barack Obama oo Britain ku tagay booqashadisii ugu dambeysay inta uu xilka hayo


Jimco, Abriil 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama ayaa Britain booqashadiisii ugu dambeeyay intuu Madaxweynaha ka ahaa dalka Mareykanka iyadoo ay booqashadiisan uu habeenkii Khamiista ku tagay UK ay qaadan doonto saddex maalin.

Booqashada Obama ayaa kusoo beegmaysa iyadoo bisha Juun ee sannadkan 2016-ka lagu wado inay UK ka dhacdo afti loo qaadayo in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub iyo in kale.

Sidoo kale, Obama ayaa taageeray in Britian ay ka sii mid ahaato Midowga Yurub, isagoo qoraal uu ku daabacay qaar ka mid ah Joornaallada ugu waayeyn ee Britian, taasoo si weyn uga careysiisay qolyaha u ololeeya in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameroon ayaa wuxuu xilligii doorashadiisa xilka RW-ha ballan-qaaday in Britain ay u Codeyn doonto, kasii mid ahaashaha Midowga Yurub iyo inay ka baxdo, kaddib markii Xukuumadda UK ay kasoo hor-jeesatay sharciyo uu Ururku ku gaaray xaruntiisa Brussels.


Dhanka kale, Madaxweyne Obama ayaa wuxuu kulan la qaadan doonaa Boqoradda Britain oo ah midda ugu waqtiga dheer Taariikhda Britain, waxaana kulankoodu kusoo beegamyaa xilli shalay ay u dabaal-dagtay sannad-guuradii 90-aad ee kasoo wareegtay dhalashadeeda.

Ugu dambeyntii, Obama ayaa wuxuu Safar kusoo maray Dalka Saudi Arabia, isagoo xilka ka degi doonaa Bisha Jannaayo ee sannadka soo socda 2017-ka, isagoo ku wareejin doona xilka madaxweynaha lasoo dooran doono Bisha November ee 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya