4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
Magaalada Melbourne ee Australia oo xalay lagu dilay Taksiilihii u Horreeyay oo Soomaali ah

Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Maxamuud Mukhtaar oo ahaa Taksiile Somali ah ayaa xalay lagu dilay bartamaha magaalada Melbourne ee waddanka Austalia, isagoo noqonaya Taksiilihii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo lagu dilo Australia.


Marxuum Maxamuud Mukhtaar

Taksiilahaan Soomaaliyeed oo 31-jir ahaa, ayaa waxaa la dilay 11:30 habeenimo ee xalay, kaddib markii gaarigii taksiga ahaa uu waday uu baakin uu inta badan dhigan jiray dhigay, iyadoo dilkiisa loo adeegsaday toorreeya, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysa dilkiisa.

Sidoo kale, Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in marxuumkan loo dilay in lacago laga qaato, maadaama ay taksiilayaashu qaataan lacag kaash ah iyo weliba kuwa kaararka lagu shubto, balse booliiska magaalada Melbourne ayaan weli wax warbixin ah kasoo saarin dilka Maxamuud Mukhtaar.

Aabbaha dhalay Marxuumkan oo lagu magacaabo Mukhtaar oo ay taksiga isla wadi jireen gaariga Taksiga ahaa, ayaa geerida wiilkiisa ogaaday shan saacadood kaddib, taas oo ka dhalatay markii uu waayay halkii uu furaha u dhigi jiray 4:00 habeenimo ee xalay oo ahayd xilligii uu shaqada billaabi jiray.

Mukhtaar ayaa markii uu wiilkiisa ka waayay guriga ayuu soo aaday halkii gaariga la dhigi jiray, isagoo la kulmay ciidamadii booliiska ahaa ee halka uu dilkani xalay ka dhacay, mar-kaasoo booliisku ay u sheegeen in wiilkiisii la dilay.

Dilalka loo geysto Taksiilayaasha dalka Austalia ayaa horay dhawr jeer uga dhacay dalkan, inkastoo ay markan tahay markii ugu Horreysay oo Somali Taksiile ahaa Dil loogu Geysto, taasoo naxdin gelisay Soomaalida ku nool Melbourne.

Ugu dambeyntii, Goobta uu dilkani ka dhacay ayaa waxaa ku dhowaa saldhig Booliisku ay leeyihiin, iyadoo ciidanka booliisku ay illaa hadda wadaan sababta marxuumkaan loo dilay iyo ciddii dilkiisa ka dambeysay.

Ibraahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
Melbourne, Australia