4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
Wasaaradaha Dowladda Somalia oo la faray inay sameeyaan wacyi-gelin lagu joojinayo Tahriibka


Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Xili hadal heynta ugu badan ee soomaaliya ka taagan ay tahay dadkii soomaalida ahaa ee ku dhintay badda u dhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya ayaa isa soo tarayo dadka Somalia ee ka qiireysan arrinta dhimashada iyo madaxda dowladda ee ka tacasiyaynayo kuna baaqayo in laga baaqsado tahriibka.

Ma sahlana dal muddo ku dhaw rubac qarni dhibano u ah dhibaatooyin sirgaxan oo dhinacyo badan isaga yimid, in guud ahaan dadkoodu ay ku fikiraan horumarinta dalka waxaana jiro gobol dadka ka mid ah oo hal-fikirkooda uu yahay in dadlka ay isaga tagaan iyaga oo ku hal-adeegayo in ay raadsadaan nolol iyo rajo dhaanta mida dalka soomaaliya ka jirto.

Dowladda dhexe ee dalka Soomaaliya oo la ku kufaa- kaceyso sidii dalka iyo dadka  ay ugu sameyn laheyd horumar ku saleysan dhaqan dhaqaale iyo siyaasad ayaanan wali si muuqata ugu guuleysan in muwaadiniintooda ay u abuuraan shaqooyin si ay maankooda uga saaraan u bixista wadan aanan kooda aheyn laga yaabo in ay kala kulmaan, dhibaato ka weyn mida ay ka carareen maadaama ay u tagayaan dad aanan ku dhaqan aheyn.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa wasaaradaha, Cadaaladda ,Diinta iyo Awqaafta , Warfaafinta iyo wasaaradaha arimaha bulshadda ku amray in ay ka shaqeeyaan sidii lagu joojin lahaa tahriibka  ama socdaalka aanan sharciga aheyn ee sida xisaab la’aanta ugu dhimanayaan dhalinyadda soomaaliyeed .

“Waxa aan xooga saari doonaa ka dowladd ahaan in shaqooyin loo abuuro dhalinyaradda soomaaliyeed si ay uga haraan tahriinka sidaasi waxaa yiri Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda soomaaliya Maxamed Cumar Carte” .

Waa hubaan aanan mugdi ku jirin haddii ay dowladda shaqooyin hufan u abuurto dhalinyadda soomaaliyeed in qeyb aaan laga baaqsanayo tahriibka ,in kastoo aysan ugub aheyn in soomaali ay ku dhintaan ama ay ku silcaan wadamo shisheeye.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya