4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
Magaalada Cadaado oo laga Billaabay Wacyi-gelinta tallaalka cudurka halista ah ee Dabeysha


Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Magaaladda Cadaado ee Xarunta maamulka Galmudug ayaa lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen dhakhaatiir ,xubno matalayay Hey’adda Caafimaadka aduunka u qaabilsan Qaramadda Midowe ee magaceeda loo soo Yareeyo (WHO) Maamulka degmadda , Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug iyo waxgaradka magaalada.

Hadafka kulanka waxa uu ahaa in laga hadlo sidii loo dar dar galin lahaa wacyi galinta ku aadan talaalka Polio- Yadda ama cudurka dabeesha .

U qaabilsanaha Hey’adda Caafimaadka Aduunka ( WHO ) ee gobolka Galgaduud C/llaahi Cumar Maalin ayaa sheegay in heerar saddex ah uu soo maray cudurka dabeesha balse qeyb ahaan lagu guuleystay in la cirib- tiro dalka maadaama dadka qeyb ahaan laga talaalay cudurka dabeesha walina la wado wacyi galinta ku aadan arrinta talaalka.

C/llaahi C/raxmaan Tootoole Dudoomiyaha degmadda Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in uu ku faraxasan yahay in qeyb ahaan la waayo cudurka dabeesho oo lagu dadaalayo dabar-go’iisa .

Cabdi Kariin Maxamed Diiriye Agaasimaha waaxda ka hortaga cudurada iyo isku duwaha Caafimaadka gobolka Galgaduud ayaa sheegay in la go’aamiyay in ay tahay maalinkii ugu danbeeyay ee la siticmaalayay talaalkii hore lagu badalayo mid kale oo cusub “ Waxa aan kormeer iyo hubin ku sameyn doonaa talaalka .

Gobolka Galgaduud oo ka mid ah goboladda dhexe ee wadanka soomaaliya ayaa ku baahan daryeel caafimaad oo ka weyn midka ay helaan caasimadaha maadaama meelaha miyiga ay ku yar yihiin adeega caafimaad ay helaan muwaadiniinta soomaaliyeed.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya