4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
Rabshado Ajaaniib Nacayb ah oo Mar Kale Ka Bilowday Zambia

Sawirka waxaa laga soo qaatay Lusaka Times
Sawirka waxaa laga soo qaatay Lusaka Times
Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL)-Rabshado ajaaniib naceyb ah ayaa mar kale ka bilowday dalka Zambia. Wararku waxay sheegayaan in ilaa dhowr qof nolosha lagu gubay.

Rabshadahaas ayaa ka dhacay caasimada Lusaka. Booliska ayaa intaa kadib qabqabtay la-tuhunsaneyaal gaaraya ilaa 250 qof oo lagu tuhmay inay rabshadahaas ku lug lahaayeen. Dukaamo badan ayaa la boobay kuwaaso dad aan Zambian ahayn ay leeyihiin. Dukaamada ayaa waxaa la sheegay inay leeyihiin ganacsato reer Rwanda ah.

Rabshadahaas ayaa dhacay kadib markii Zambian-ku ku andacoodeen in Rwandese-ku dileen dad dabadeedna ay xubnaha dadkaa ay dileen u adeegsadeen sixir iyo falaanfal ay damacsan yihiin inay ganacsigooda ku dardar galiyaan, waa sida hadalka loo dhigaye.

Qawmiyada Rwandese-ka ayaa ah tan ajaaniibta dalkaasi ugu ballaaran. Soomaalida oo ganacsiyo badan dalkaasi ku leh ayaa ayana waxaa la xasuustaa in dhowr sano ka hor rabshado lagu kiciyay oo hanti fara badan laga dhacay.

Xafiiska Wararka ee HOL
Magaalada Nairobi, Kenya.