4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2016
UNHCR: Waxaa laga yaabaa in Shilkii Tahriibayaasha ay ku dhinteen in ka ku dhow 500 oo Ruux


Khamiis, Abriil 21, 2016 (HOL) — Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in laga yaabo in 500-qof ay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka, kaddib markii ku dagtay doon ay ku tahriibayeen dad Afrikaan ah oo ay Somali ku jireen.

UNHCR ayaa xustay in khasaaraha ay kasoo xigatay qaar ka mid ah dhalinyaraddii shilkaasi ka badbaaday oo haatan ku sugan dalka Giriigga oo ay qaarkood markii horeba ku socdeen si ay uga soo dhoofaan.

“Ma cadda inta qof ee Doontaas saarnaa xilligii ay dagaysay, balse goob-joogayaal ayaa  inoo sheegay in 500-qof oo caruur, haween iyo ragba isugu jira ay doontaas saarnaayeen. Tani waa tusaale kale oo muujinaya mashaqooyinka maalin kasta ka dhacaya badda Mediterranean-ka,” ayuu yiri afhayeenka UNHCR William Splindler.

Sidoo kale, Hay’adda UNHCR ayaa xustay in dadka badbaaday oo dhan 41 qof ay ka kooban yihiin 37 rag ah, saddex hawee ah iyo cunug yar oo saddex sano jir ah, kuwaasoo uu badbaadiyay markab ganacsi, isagoo u qaaday Dalka Giriigga.  Iyadoo hay’addu ay sheegtay in dadkan la badbaadiyay ay isugu jireen 23 Soomaali ah, 11 Itoobiyaan ah, 6-Masaari ah iyo Ruux u dhashay dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah dadkan badbaaday ayaa sheegay inay markabka la kulmeen markii ay badda ku jireen muddo saacado ah, iyagoo xusay in doontii ay ka socdeen ay ku dagtay bartamaha biyaha ayna arkeen dad badan oo ay isla socdeen oo dhintay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in 200 oo qof oo Soomaali ah ay shilkaas natooda ku waayeen, iyadoo xustay inay ku sameyn doonto baartiaanno intaan ka badan si ay u xaqiijiso khasaaraha dhabta ah.

Ugu dambeyn, Musiibadan ayaa noqonaysa tii ugu khasaaraha badnayd ee dhacda sannadihii lasoo dhaafay, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay shilkaas kaga jawaabtay inay joojiso fiisaha lagu galo dalka Suudaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya