4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2016
KOFI ANNAN: Madaxda Afrika waa inay xilka ka dagaan markuu u dhammaado waqtigooda shaqo


Arbaco, Abriil 20, 2016 (HOL) — Xog-hayihii Hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan ayaa madaxda Afrika ku boorriyay inay xilka ka dagaan - marka uu dhammaado Waqtiga hoggaanka ay hayaan, ayna ka fogaadaan inay xilka isku sii dhajiyaan, taasoo sababi karta buu yiri colaado sokeeye oo dhaca.

Annan ayaa xusay in dastuurka oo aan lagu dhaqmin iyo in muddada xafiiska la kororsado iyo siyaasadaha oo la Car-qaladeeyo ay Qaaradda Afrika ku keenayso inay dib uga dhacdo guulihii ay gaartay.

“Waxaan filayaa in Afrika ay horumar gaartay, welina ay uu u dhiman yahay horumar kale, balse haddii hoggaamiyeyaasha Afrika ay diidaan in ay xilka ka degaan markuu dhamaado waqtigooda hoggaamineed, uuna damac ka galo inay xilliga kororsadaan - iyagoo bedelaya dastuurka, taasi waxay keeni kartaa kacdoono shacab,” ayuu yiri Kofi Annan.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray. “Waxaa Wanaagsan in intii carqalad laga abuuri lahaa Afrika, in Hoggaamiyeyaasha Afrika ay ixtiraamaan dastuurka iyo xeerarka u yaalla waddamadooda, si loogafogaado dhibaatooyin cusub.”

Sidoo kale, Kofi Annan ayaa ugu baaqay Midowga Afrika inaysan aqbalin hoggaamiye Af-gambi ku qabsaday awoodda maamul ee wadankiisa iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xilliga ku darsada xafiiska.

Kofi Annan ayaa intaas ku daray in dhibaatooyinka Qaaradda Afrika ka jira looga bixi karo in la dhiso Awoodda dhaqaale ee Afrika, sidoo kalena la xoojiyo Maal-gashiyada Qaaradda iyo Dimuqraadiyadda.

“Weligeen kama gudbayno kuwa nagu hareeraysan haddii aanan noqon mas'uuliyiin xor ah oo madax-bannaan, waxaan doonayaa inaan xor noqonno. Markaas ayaanan hoggaan fiican u noqon karnaa inay kuwa taageerada na siinaya dib nooga dagaan, waayo waxay arkayaan waxa aanu nahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Kofi Annan.

Mar uu ka hadlay Shirkii Tana ee Addis Ababa lagu qabtay ayuu Kofi Annan sheegay inuu ku faraxsan yahay in Madaxda Afrika ay ka doodaan sidii ay Qaaradu u Noqon lahayd mid isku tashada oo lacag u gaar ah leh, si looga kaaftoomo kaalmo dibadeed.

Ugu dambeyn, Hadalka Xoghayihii hore ee QM, Kofi Annan, ayaa wuxuu imaanayaa xilli Waddanka Burundi ay ka taagan yihiin Colaado ka dhashay in mar saddexaad xafiiska loo doorto Madaxweyne Pierre Nkurunziza, taasoo ay Mucaaradku ay sheegeen in xad-gudub ay ku tahay dastuurka waddankooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya