4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2016
SAWIRRO: Guddiga Tala-wadaag iyo DDG oo Maanta ka Warbixiyay Mashaariicdii ay Fuliyeen

Arbaco, Abriil 20, 2016 (HOL) — Kulan ay wadajir u soo Agaasimeen ururka horumarinta gobolka Sool ee Talo-wadaag iyo hay'ada DDG [Danish Demining Group] ayaa waxay uga warbixiyeen mashaariic dhawr ah oo u qorsheysan inay  sannadkan fuliyaan, isla markaana waxay ka hadleen mashaariicdii u hir-galay Sannadkii lasoo dhaafay.

Guddoomiya ku xigeenka Gobolka Sool, C/rashiid Xirsi Dalmar oo furay Shirkaan oo lagu qabtay Hoteelka Mustaqbal ee magaalada Laascaanood, ayaa wuxuu Ammaanay Hay'adda DDG iyo gudiga Tala-wadaag oo uu xusay in iskaashigooda uu sababay hawlihii la qabtay, isagoo timaamay inay diyaar u yihiin wixii garab ah ee ay uga baahdaan.

Sidoo kale, C/qani Aw Daahir oo ku hadlay Magaca Qaban-qaabiyayaasha kulanka ayaa ka War-bixiyay hawlihii u Qabsoomay intii ay Wada-shaqaynayeen Hay'adda  DDG iyo Tala-wadaag, isagoo tilmaamay inay yihiin kuwo guul laga gaadhay.

"Waxaan wax ka qabanay xoojinta nabadda Qoriley, Dharkayn, Awr-boogays iyo degmada Laascaanood, tababarro, wacyigelin, maal-gelinta ganacsatada yar-yar, wadada laamiga ah ee Laascaanood, jidka laamiga ah eee Buuhoodle, Buundo shub ah iyo hawlo kale. Hay'ada DDG waxay bixisay 60% Dhaqaalaha, halka inta kalena Guddiga Tala-wadaag ay bixiyeen - iyagoo kaashanaya bulshadooda," ayuu yiri C/qani oo ah xoghayaha Tala-wadaag, isagoo raaciyay inay hawlo intaa ka badanna ay sanadkan u qorshaysan yihiin.

Caaqil Axmed Maxamuud Maxamed oo ku hadlay magaca wax-garadka deegaanka, isgaoo sheegay inay wax badan ka kororsadeen faa’iidooyinka uu iskaashigu leeyahay, isagoo aad ugu dheeraaday sida loogu baahan yahay in wax loo qabto bulshada, Wuxuuna ugu baaqay hay'adaha kale inay ku daydaan Hay'adda DDG oo ay gobolka yimaadaan shacabkana wax la qabtaan.

Dhanka kale, Waxaa munaasabadda soo gunaanaday Garaad C/laahi Maxamed Guuleed oo tusaalooyin dhawr ah, dar-daaran iyo duco xafladda ka jeediyay, isagoo Shacabka ku boor-riyay in horumar ay ku gaari karaan wax-wada-qabsiga iyo wadajirka.

Sheekh Siciiid Axmed Cadar oo ka mid ah Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Sool, oo isna xaflada ka hadlay, ayaa xusay in dad deegaano ka baxsan Gobolka Sool kasoo Guuray ay haatan ku dhibaateysan yihiin degaano badan oo meelaha qaar ay xoolihii dhammaad ku dhow yihiin; ayna gaadhi waayeen deegaano Roobab ka da'een todobaadkii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, Waxqabadka Hay'ada DDG ayaa sanadkii lasoo dhaafay 2015-ka wax weyn ka beddelay muuqaalka Magaalada Laascaanood, iyadoo la filayo haddii ay sii socdaan ay faa'iidooyin badan kusoo kordhin doonaan bulshada.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool