SAWIRRO: Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Maanta Xarigga ka jaray Dhisme Wasaaradeed
Arbaco, Abriil 20, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku-xigeenka
Puntland , C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta xariga ka jaray
dhisme cusub oo ay leedahay Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland.
Munaasabadda Xarig-jarka xaruntan
cusub waxaa ka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland,
ku-xigeenkiisa, Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha, ku-xigeenkiisa, Wasiir
ku-xigeenka Warfaafinta, Agaasimayaal iyo Mas'uuliyiin kale.
Sidoo kale, intii ay socotay
xafladda, waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed,
kaasoo ay Wasaaraddu soo aabaabushay, kana qayb-qaadanayeen dhallinyaro wiilal
iyo gabdho isugu jiray.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland , C/xakiim Camey, ayaa sheegay in
dhismahan uu xarigga ka jaray maanta uu muddo toban bilood ka hor ah la dhagax-dhigay,
taasina ay muujinayso sida xukuumadda Puntland ay uga go’an tahay hormarinta
Wasaaradaha Puntland.
Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudhaha
Puntland kula dar-daarmay inay dar-dar-galiso
howlaheeda shaqo.
Abaadir C/qaadir Cilmi
Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Soomaaliya