4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2016
Nairobi, Kenya: Fagaare Loogu Tala Galay Qurba-joogta Afrika oo Kulan Lagu Qabanaayo Maanta

 

 

Arbaco, Abriil 20, 2016 (HOL)-Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka bisha Abriil ee sanadka 2016, waxaa kulan lagu qaban doonaa fagaare loogu tala galay qurba joogta Afrika kaasoo looga wada hadli doono amuuraha ku taxaluqa qurba joogta Afrika.

Waxaa arinta ugu weyn ee la filaayo inay hareyso kulankaasi ay tahay lacagaha ay qurba-joogtu kasoo xawilaan dibada oo dalalka Afrika aad usaacida. Waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa amaba lagu lafa guri doonaa dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xaddida dhimitaanka qiimaha lacagaha loogu soo xawilo dalalka Afrika.

Fagaarahaas ayaa waxaa lagu qabanayaa Dugsiga Daraasadaha Lacagta ee Kenya (Kenya School of Monetary Studies) oo kuyaala caasimadaan Nairobi.

Kulankaa oo la filaayo inuu dhaco galinka dambe ee maanta waxaa soo agaasimay ama qarash gareeyay Machadka Afrika ee Lacagaha Laxawilo (African Institute for Remittances) iyo Hayada Caalamiga ah ee Socdaalka ama Hijrada ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano IOM.

Kasoo qeybgaleyaasha ayaa waxaa kujiri doona masuuliyiin kasocda baananka dhexe ee dalalka kujira Midowga Afrika (AU), wasaaradaha maaliyada iyo qorsheynta ee dalalkaa, banuukta ganacsiga ee wadamadaas, xawilaadaha, shirkadaha adeegyada taleefanada gacanta iyo ururada qurba-joogta.

Qore: Aaden M Warsame
[email protected]