4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 20, 2016
RW SOMALIA: Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha


Arbaco, Abriil 20, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo ku geeriyooday Badda Meditarrean-ka, isagoo ugu baaqay dhallinyarada inaysan naftooda halligin.

Sharma’arke ayaa yiri. “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay musiibadii ka dhacday Badda Meditarrean-ka, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday dhacdadaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu dhamaadaan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cumar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya