4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 18, 2016
SAWIRRO: Turkiga oo ballan-qaaday in ay dib u dhisayaan Waddada Soddonka ee Muqdisho

Isniin, Abriil 18, 2016 (HOL) — Wafdi ka socda Dowladda Hoose ee Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga iyo guddomiyaha gobolka Banaadir, ayaa maanta kormeer qiimeyn ah ku tagay Waddada Soddonka ee Muqdisho oo ka mid ah Waddooyinkii ku burburay colaadihii dalka ka dhacay.

Qaar ka mid ah wafdiga ka socday Dowladda Hoose ee magaalada Istanbuul, ayaa sheegay inay fulin doonaan ballan-qaadkoodii ahaa inay waddada 30-ka ee Muqdisho dib u dhis ku sameynayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isna ka hadlay goobta, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Dowladda Hoose ee Magaalada Istanbuul ay billowdo fulinta ballan-qaadkii ay horay u bixiiyeen.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyay in sida dhaqso badan loo billaabo dhismaha Wadada 30-ka oo ka mid ah wadooyinka ugu waa-weyn Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xillliyadii dambe dadaallo ugu jiray sidii loo dhisi lahaa waddooyinka Magaalada Muqdisho oo bur-burbur xooggan uu ku dhacay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia sannadkii 1991-kii.

Dhanka kale, Shacabka Muqdisho Qaarkood, ayaa waxay lacago ay ururiyeen lagu dhisay isgoysyada isku-xira Baar-ubax iyo Sayidka iyo waddada isku-xirta isgoyska Zope iyo kan dan-wadaagta ee degmada Wadajir.

Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in si iskaa-wax-u-qabso ah lagu dhisi doono Waddada wadnaha ee Muqdisho, taasoo Maamulku uu sheegay inay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya