Kulan looga doodayay qorshaha mashaariicda lagu horumarinayo degmada oo lagu qabtay Kismaayo
Sabti, Abriil 16, 2016 (HOL) —Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen wasiirro ka tirsan Jubaland, ururrada haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo iyo masuuliyiinta hay’adda TIS Plus ayay ujeedadiisu ahayd in looga dodo mashaariic horumarineed oo laga hirgelin doono magaalada.
Qeybaha bulshada ee kasoo qeybgalay kulanka ayaa waxa ay ka doodayeen mashaariicda ugu muhiimsan ee ay jeclaan lahaayeen in ahmiyadda 1-aad la siiyo, waxaana kulanka uu socon doonaa mudo sedex maalmood ah.
Sidoo kale intii uu kulanka socday ayay qeyba bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo waxa ay dhaliileen mashruucii dhismaha wadada laamiga ah ee magaalada Kismaayo, kaa oo qeyb kamid ah wadada gaar laga soo bilaabo Iskuulka ganaane ilaa Isbitalka weyn ee magaalada ay sheegeen in loo dhisay si aan haboonayn, ayagoo sheegay in laamigaasi uu Qatar ku yahay dadka iyo gaadiidka.
Furitaanka kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland mudane Max’ed Warsame Darwiish, wasiirka haweenka Jubaland Marwo Qamar Deeq Khaliif, gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshada Jubaland Mudane Shaafi Raabi Kaahin, wakiillo ka socday hay’adda UNSOM, USAID iyo marti sharaf kale.
Mudane Max’ed Warsame Darwiish Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Jubaland oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan horumarineed ee ay fulineeysa wasaaradda arimaha gudaha Jubaland islamarkaana ay gacan ka geeysaneeyso hay’adda TIS Plus uu yahay mid la doonayo in wax looga qabto baahida bulshada, isagoo sheegay in mashaariicda la fulinayo oo dhan ay yihiin kuwo ka iman doona bushada, loona kala hormarin doono sida ay u kala muhiimsanyihiin.
Marv Koop oo ah madaxa mashaariicda hay’adda TIS PLUS oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in mashaariicda ay hay’adda Fulineeeyso ay yihiin kuwo ay bulshada leedahay, isagoo xusay in la doonayo in shacabku doortaan mashruuc ay dhibaato ku noqonayn bulshada iyo bay’ada.
Kulankan ujeedkiisu yahay xog ururin iyo in la ogaado mashaariicda ahmiyadda gaarka u leh bulshada ayaa socon doona mudo sedex maalmood ah, ayadoo la filayo in mudadaasi qeybaha bulshada ee kasoo qeybgalay ay si guud u falanqeeyaan islamarkaana hal aragti isugu keenaan mashaaricda ay jeclaan lahaayeen in wax laga qabto.
Xasan Nuur, Hiiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
More News
- Xukuumadda Sucuudiga oo uga digtay Dowladda Mareykanka inay Meel-mariso Sharci dhan ka ah
- SAWIRRO: Odayaasha Gobolka Hiiraan oo eed u jeediyay Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia
- Xildhibaanno Baarlamaanka FS Geeyay Mooshin lagu doonayo in Shirka Jowhar Hakad la geliyo
- Ciidamada AMISOM oo Maanta Afar qof oo rayid ah ku dilay duleedka deegaanka Buulo-mareer
- Hay'adaha Bisha Cas Somalia iyo ICRC oo Cuno ka qaybiyay Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya
- SAWIRRO: Wasiirka Maaliyadda oo Washington uga Qayb-galaya Shirkii Bangiga Aduunka & IMF
- Murashax Mareykanka Donald Trump oo lagu eedeeyay ku Xad-gudub Xuquuqda Aadanaha ah
- Shiinaha oo dalbaday liiska dadka lagu tuhunsanyahay argagixisonimada
- Madaxda Kenya iyo Germany oo ka wada hadlay iskaashiga ganacsiga iyo ammaanka
- Kenya: Nin Kadambeeyay Dil Sanadkii 2014 Loo Geystay Sheekh Caan ahaa oo Dil lagu Xukumay