4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
Wiil Soomaaliyeed oo Qirtay dambi loo haystay oo ahaa inuu doonayay inuu ku biiro Daacish


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Hanad Muse oo ka mid ahaa Wiilal Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay lix oo Bishii Abriil ee Sannadkan lagu xiray magaalada Minneapolis ee Minnesota, loona haysto dambi ah inay doonayeen inay ku biiraan kooxda ISIS/Daacish ee ka Dagaallanta Waddamada Suuriya iyo Ciraaq, ayaa qirtay Dambigii loo haystay.

Maanta ayaa Hanad Muuse la Horkeenay Maxkmadda Fadaraalka Maraykanka Qaybteeda magaalada Minneapolis, isagoo Qirtay inuu doonaayay inuu ku biiro Kooxda Daacish ama ISIS.

Arrintan ayaa waxaa HOL u xaqiijiyay qof ku sugnaa gudaha Maxkamada, kaasoo sheegay inuu Hanad Afkiisa ku qirtay dambiga, inta uusan qiranna uu siiyay xaakimku siiyay fursad ah inuu kaga fikiro dambiga uu qiranayo, kaddibna uu Qirtay inuu doonaayay inuu ISIS ku biiro.

Lama garan karo Saameynta ay ku yeelan karto Qirashada Hanad Muuse uu maanta qirtay Dambigii lagu soo eedeeyay; dhallinyarada kale ee isku Waqtiga la xiray.

Sidoo kale, Maxkamaddii Maanta ayaa ka duwanayd kuwii hore oo dadweynuhu iska soo buux dhaafin jireen, Waayo Maxkamada maanta waxay ahayd mid ku eg Hanad Muuse oo kaliya.

Hanad Muuse ayaa horay loogu eedeeyay in uu Bas ka raacay Minneapolis si uu ugu Tago Magaalada New York, si uu halaas uga raaco diyaarad.

Dambiyada Dhalinyaradan loo haysto ayaa ah kuwo Wal-wal weyn ku beeray Waaliddiinta Soomaaliyeed, iyagoo aad uga walaacsan Mustaqbalka Carruurtooda.

Balse, waxaa iyadana jirta Walwal kale oo lasoo darsi kara waalidiinta ilahoodu ay xabsiga ku jiraan oo ka rajo Qabay inaysan dambiga lagu soo eedayayo ku lug lahayn.

Xukuumadda Washington ayaa Waxaa Saameyn Xooggan ku yeeshay Arrimaha la Xiriira Dhallinyarada u dhoofaya dalalka ay colaaduhu ka Socdaan; si ay Kooxaha ka dagaallama ugu biiraan, iyadoo sameysay barnaamijyo ay ugu talo-gashay inay ku hor-is-taagaan waxa ku khasbi kara in Wiil dhallinyaro ah oo ku nool dalkan uu ka dhaafo kana soo dagaallamo waddamo kale.

Ugu danbayn, Waxaa la filayaa in Warbaxin ka mid ah Barnaamijyadaan uu siiyo Maanta Warbaahinta Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Andy Luger iyo Duqa Magaalooyinka St. Paul iyo Minneaplis iyo weliba Cabdi Warsame oo ka tirsan Maamulka Minneapolis.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesota