4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
HADLIYE: Caalamka Waxaan ka doonaynaa inay naga caawiyaan dib-u-dhiska ciidamada Qaranka


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in dowladdiisu ay u baahan tahay inuu Caalamku ka caawiyo dhismaha ciidamadeeda Qaranka si ay ula dagaalanto Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa muddo sannado ah ka waday Somalia dagaal ay doonaysay in ay xukunka kaga tuurto dowladda Somalia ee ay caalamku taageeraan, inkastoo sanadihii lasoo dhaafay ay AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ay Al-shabaab ka saareen Deegaanno badan oo ay horay uga talinaysay.

Hadliye ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters Dowladda Somalia ay ku jiro dadaal ay dib ugu dhisayso ciidamadeeda ayna ka doonayso Beesha Caalamka inay ka Caawiyaan tababaridda iyo qalabeynta ciidamadooda.

“Ciidamadeennu waxay u baahan yihiin tababar… waxay u baahan yihiin hub… waxay u baahan yihiin saanad ciidan,” ayuu yiri C/salaam Hadliye oo intaas ku daray in sidoo kale ay u baahan yihiin in Caalamku uu maal-gashi ku sameysto Somalia.

Sidoo kale, Hadliye ayaa Wuxuu Sheegay in tan iyo markii uu noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu dadaal dheer u galay sidii Calaamku uu maal-gashi ugu sameysan lahaa Somalia. Isagoo sidoo kale beeniyay eedeymo la xiriira Musuq-maasuq oo ay Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay u soo jeediyeen intii uu ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Sannadkii 2013-kii.

“Bishan 15-keeda waxaa shir lagu qaban doonaa Magaalada Abu  Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaasoo Ujeeddadiisa ugu weyn ay tahay sidii ay Somalia u soo jiidan lahayd indhaha maal-gashadayaasha caalamka iyo sidii ay diyaarado kale oo caalami ah ay duullimaadyo ugu tegi lahaayeen Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku daray Hadliye.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa ah diyaaradda keliya ee duulimaadyo caalami ah ku tagta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, Toddobaadkiiba dhowr jeer.

“Ujeeddadeenna ugu weyn waa sidi Duulimaadyo kale oo caalami ah ay ku tegi lahaayeen Muqdisho. Kuwaasoo si joogto ah ku taga Bariga Dhexe iyo qaybo kale oo Caalamka ah,” ayuu mar kale yiri Hadliye oo sheegay inay wadahadal kula jiraan Shirkadaha Diyaaradaha ee Dalalka Khaliijka Carabta.

Dhawaan ayay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF sheegtay inuu kor u kacay dhaqaalaha Somalia Sannadkii hore ee 2014-ka Qiyaastii 3.7%, lana Rajeynayo in Sannadkan 2015-ka uu kor u kaco Qiyaastii 6%.

“Run ahaantii, ujeeddadeenna ugu weyn ee aan doonayno waa inaan Cagaheenna dib isugu taagno,” ayuu Wasiirku mar kale yiri. “Waxaanu doonaynaa inaan carruurteena quudino… Waxaanu doonaynaa inaan bixinno mushaaraadka ay ku shaqeeyaan ciidamadeenna iyo in dalkeenna maal-gashi lagu sameysto.”

Ugu dambeyn, Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Imaanaya Xilli Al-shabaab ay toddobaadkii hore weerar khasaare badan geystay ay ku qaaday Saldhig ay ku leedahay AMISOM Deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya