4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
FAAHFAAHIN: Dagaalkii ka dhacay Caabud-waaq iyo Khasaarihii Nafeed ee ka Dhashay


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Wararkii ugu Dambeeyay ee laga helayo Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhacay maanta ay ku geeriyoodeen 8-qof, ayna ku dhaawacmeen tiro ka badan 10-ruux oo kale, Dagaalkuna uu haatan joogsaday.

Dagaalka ayaa wuxuu sidoo kale Sababay inay Shacabkii Degmadaas ku Sugnaa Qaarkood ay ka barakceen, iyadoo xoogag kala taabacsan Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug oo uu dagaalku u dhexeeyay ay ku dagaallameen Agagaarka Isbitaalka Degmadaas iyo Guriga uu Wasiirka Ganacsiga Galmudug uu ka degen yahay magaaladaas.

“Xaaladdu hadda waa deggen tahay, waxaana soo gaaraya Degmada Cuqaal iyo Waxgarad kale oo doonaya in ay Dagaalka u dhexeeya Xoogagga Degmada kuwada sugan joojiyaan,” ayuu yiri Goobjooge ku sugan Caabudwaaq oo Warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, Goob-joogahan ayaa intaas ku daray in Dadkii ku dhintay dagaalka ay intooda badan yihiin dhinacyadii dagaalamayay, marka laga reebo hal qof oo ay rasaastu ugu tagtay Masaajid degmada ku yaalla oo dhintay.

“Runtii dhaawacyadu waa kuwo kala duwan, isbitaalka waxaa Xilli walba la Gaarsiinayaan dad dhaawacyo qaba, kuwaasoo qaarkood ay xabadu uga taallo madaxa, halka kuwo kalena ay uga taallo caloosha iyo xabadka,” ayuu Goobjooguhu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, dhinacyada uu dagaalku u dhexeeya ayaa wuxuu dhinacba uu dhinaca kale ku eedeynayo in lasoo Weeraray, iyagoo weli ay Labada dhinac kuwada Sugan yihiin Gudaha degmada Caabduwaaq.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shan wasiir oo ka tirsan maamulka Galmudug ay gaareen Degmada Caabud-waaq, kuwaasoo la sheegay in qorshahoodu yahay in waan-waan ah lagu dhameeyo colaadda ka taagan degmadaas.

Ugu dambeyn, Dagaalkan ayaa Daba-socday Weerar ay Ciidammo ka tirsan Ahlusunna ku qaadeen shalay guriga uu Wasiirka Ganacsiga Galmudug, Cabdiladiif C/llaahi Warsame ka dagan yahay degmadaas.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga sida ay xaaladda degmada iyo colaadda hadda taagan isku bedeli doonto, iyadoo ururka Ahlusuna iyo Maamulka Galmudug ay haatan xiisado dhanka maamulka ahi u dhexeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya